Maanso Xiiso Badan Oo Loogaga Jawaabay Maansadii Loo Tiriyay Muuse Biixi

0
624

Maanso Xiiso Badan Oo Loogaga Jawaabay Maansadii Loo Tiriyay Muuse Biixi
warsugannews

Jamhuuriyada Soomaliland

BISMAALIHI RAXMAANI RAXIIM

Maansadani waxa ay jawaab u tahay Tix uu Tiriyey (Cawil Ismaaciiil Aadan) kuna soo baxaday wargeyska Himilo cadadkiisii 471 kuna taariikhsiineyd 03/Nov/2015, taas oo uu wax kaga sheegayey nimanka korneylada ah ee dalkan usoo halgmey iyo guud ahaan askartaba waxaana maansadani magaceedu yahay (Diwaanada Dib U raac)waxaana curiyey ^Cabdi Iidan Xasan^.

*Dib unoqo Dharaaraha

*Diiwanada Dib uraac

*Fogee daymadaadoo

*maalmihii darraa iyo

*wixii daalna soo maray

*xusuus Daawadsiiyoo

*Daalaco wixii Tegay

*ina ruux dareen lihi

*Askari diidimaayo

*waa kaan ku degenoo

*dalka noo xoreeyoo

*dabkii ina siyaadiyo

style=”font-size:16px;”>*diyaaradii kacaayiyo

*dabaabadii cartemyeyba

*isagaa dabaalaye

*Dunidaa u taagaanoo

*dabcigeeda weeyee

*bal haduu dagal dhaco

*dalka waan usimanee

*ninka debeda aadee

*diyaaradaha raacee

*dib kusoo jaleecayn

*iyo dirica wiilkee

*dabka qoriga qaatee

*dalka daafacayee

*dartaa iil udubuq yidhi

*dar ilaahay eegoo

*markay doorashada tahay

*keebaad udayn lahayd

*afartaa dareeshee

*dockalaan udhaafiye

*duunyadii laynaga dhacay

*duhur kii dareersaday

*ragii duurka ugalay

*haday soo dabaaleen

*markay dihatey maandeeq

*dumarkiyo caruurtii

*danbarkeedii sugayaan

*nimaan daal usoo marin

*haddii uu doraad yimid

*doorashana inaga rabo

*ma dawbaad u aragtaa

*hadaad doontey kuma darin

*ilayn waa dareenkaa

*kuuna diidi maayee

*dunidaa utaaganoo

*dabcigeeda weeyee

*bal hadduu dagaal dhaco

*dalka waan usimanee

*ninka debada aadee

*diyaaradaha raacee

*dib kuu soo jaleecayn

*iyo dirica wiilkee

*dabka qoriga qaatee

*dalka daafcayee

*dartaa iil udubuq yidhi

*dar ilaahay eegoo

*markay doorashada tahay

*keebaad udayn lahayd

*afartaa dareeshee

*dockalaan udhaafiye

*bal dib aan u milicsado

*dabuubtaad doraad tidhi

*ee aad hal doorkii

*kornayladan duqayada ah

*markay dirirtu taagnayd

*dahab kuu ahaa shalay

*doqomada ku sheegtee

*dusha aad ka saartee

*dagaaladii sokeeyiyo

*dirirtii dhexdeenee

*doqonimadu keentee

*rabi naga daweeyey

*kaagan dacartu jiiftee

*dib usoo fadhfadhyow

*adigaa dayaboo

*dadku kuu sinaynoo

*daacadnimo ka dheertee

*dunidaa u taaganoo

*dabcigeeda weeyee

*bal hadduu dagaal dhaco

*dalka waan usimanee

*ninka debeda aadee

*diyaaradaha raacee

*dib kuu soo jaleecayn

*iyo dirica wiilkee

*dabka qoriga qaatee

*dalka daafcayee

*dartaa iil udubuq yidhi

*dar ilaahay eegoo

*markay doorashada tahay

*keebaad udayn lahayd

*afartaa dareershee

*dockalaan udhaafiye

*weli dalkii badhbaa maqan

*doondoonistiisaan

*duurka ugu jiraayoo

*cadowbaa ku dayranoo

*daba dhilifyadii iyo

*kuwii doogta geystaa

*wali aan ku daynoo

*dusduskay barteeniyo

*wixii ay daldalan jireen

*wali doonyaa jira

*ana diiday leeyahay

*balse waa digniinoo

*adaa iiga sii daran

*waxa taa daliil u ah

*markaad kii darka ugalay

*doonimaayo aad tidhi

*dana aanad ka lahayn

*ana doorkan maanta ah

*askaraan dan moodee

*dayr buu ii yahee daa

*dugsuu ii yahee dee

*dadbaan ugu jeclee daa

*dunidaa u taaganoo

*dabcigeeda weeyee

*bal hadduu dagaal dhaco

*dalka waan usimanee

*ninka debeda aadee

*diyaaradaha raacee

*dib kuu soo jaleecayn

*iyo dirica wiilkee

*dabka qoriga qaatee

*dalka daafcayee

*dartaa iil udubuq yidhi

*dar ilaahay eegoo

*markay doorashada tahay

*keebaad udayn lahayd