Waxaa Nasiib Daro ah In Wasaaradii Waxbarashadda ay Noqoto Hoygii Cadaalad Daradda

0
353

Waxaa Nasiib Daro ah In Wasaaradii Waxbarashadda ay Noqoto Hoygii Cadaalad Daradda
Warsugannews
Waxaa wax aad looga xumaado ah oo aad looga daqmado in maanta xukuumadda siinlaanyo ay ardaydii ay dhiig miirato iskadaa wax

Waxaan maanta aan qalinka u qaatay in aan wax ka yidhaahdo cadaalo darada ka jirta wasaarada waxbarashadda ee dalka .

Waxaynu la wada soconaa in dhawaan arday badan oo soomaali land ahi ay deeqo waxbarasho ay ka heleen wadanka aynu jaarka aanu nahay ee Ethoipia.

Waxaa marag madoonto ah in wasaaradda waxbarashadda ay ka masuul tahay deeqaha waxbarasho ee loo diyaariyey ardaydda dalka wax ka barata se waxaa ayaan daro ah in wasaaradii dalka arintaa ooga masuulka ahayd in ay dhacdo ardaydii masaakiinta haa ee dadka iyo dalka wax u baranaysey.

Waxaa wax aad looga xumaado ah oo aad looga daqmado in maanta xukuumadda siinlaanyo ay ardaydii
ay dhiig miirato iskadaa wax kaloo ay u qabatee.

Waxaa aan la dafiri Karin baahiyaha ku geedaaman ardayda maanta dalka wax ka barata waliba waa ay sii kala liitaane ardayda maanta wax ka barata puplic schools hadana laga boobay deeqihii waxbarashadda .

Waa wax aad looga xumaado arintaa maanta ka dhacday wasaarada waxbarashada una baahana in wax laga qabto cidii caqliga wanaagsan ku fikiraysa .

Waxaan baaq dheer aan u dirayaa dhamaan cidii uu arinka uu khuseyso in ay wax ka qabato waliba waxaan baaq u dirayaa madaxweynaha dalka oo aan leeyahay madaxweyne waa in hoos loo eegaa ardaydaa masaakiinta ah ee maanta la dhacay xaqoodii.

Waxaan kaloo aan baaq u dirayaa wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashadda oo aan leeyahay waa in aad iska casishaa xilka aad qaranka aad u haysid hadii aad arintaa aad waxba aad ka qabanweydo.

Waxaan kaloo baaq u dirayaa wasaaradda waxbarashadda oo aan leeyhay arintaa waad ku ceebawdeen ee dhinac iskaga riixa ilaa arintaa wax laga qabtana laga hadhi mayo.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan hadalkayga ku soo afmeeri lahaa waa in arintaa wax laga qabtaa sida uugu dhaqsiyaha badan oo aan leeyahay hadii waxba laga qanban waayo waxaa la arki doonaa wasaaradda oo aan xukumin qaar badan oo ka mid ah iskuulada wadanaka ee dalka ka jira.

Economist: Abdi Rashiid Ali Jama ( ibnu giriig)

063_4108610