“Maanta Xanuunku waa fasax”

0
505

“Maanta Xanuunku waa fasax”

Waxay xaaladiisu u dhaxaysay Nolol iyo Geeri, inkasta oo uu illaahay oo kaliya gargaar uga baahnaa, hadana mid bini’aadamnimo waa lama huraan, kaliya waxa ku samraya eheladiisa iyo dadka barbarkiisa taagan ee ka argagaxsan xaaladiisa nololeed, waxaa si degdeg looga soo dejiyay gaadhiga lagu siday, waxaana afaafka laga soo galiyay goob ay ku qornayd “Gargaarka Degdeg ah”, markiiba waxa u adeegay dhalinyaro kalkaaliyayaal ah oo intii ay aqoontoodu ahayd ku caawiyay, walaw aanay wax badan ka tarin xaalada uu qofkaasi ku jiray, hadana dedaal may yaraysan, go’aano ma qaadan karaan, haday qaataana aqoontoodii ma gaadhsiisna, ta kale Dhiig, saxaro, iyo kaadi mid laga qaado ma fahmayaan waayo meesha ma joogo gadhwadeenkii cusbitaalku ama dhakhtarkii hagi lahaa dhalinyaradaasi.

Werwerka iyo la tacaalida ku furan dadka ay qaraabada yihiin qofka buka, waxay waydiinayaan dhalinyarada meeyay dhakhtarkii, maxaa loo samayn karaa, lakin Kalkaaliyayaashu waxay su’aalahaasi kaga jawaabeen “Maanta Dhakhtarku waa fasax”, miyaanay la macno ahayn “Maanta xanuunku waa fasax”. waana Xaalada Cusbitaalada Dalka.