Madaxda Ugu Sarraysa Xisbiga WADDANI Oo Maanta Kormeer Wacyi Gelin Ah Ku Maray Deegaannada Gobolka Daadmadheedh.

0
289

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Qorshaynta Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa maanta Kormeer Wacyi Gelin ah Ku maray deegaannada Gobolka Daadmadheedh.

Weftiga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa bulshada deegaannada ay mareen ku baraarujiyay in ay si buuxda uga qayb qaataan Diwaangelinta Codbixiyeyaasha oo maalinta Berri ah ka bilaamaysa gobolka Daadmadheedh.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa bulshada magaalada Oodweyne iyo deegaannada hoos taga ku boorriyay in dhallinyarada qaangaadhay, dadkii aan hore isu diwaangelin iyo dadkii laba jeer is diwaangeliyay ee kaadhku ka gubtay ka faa’iidaystaan fursaddan mar labaad la siiyay, islamarkaana muujiyaan cududdooda si ay u dooran karaan wakiillo metela ulana tartami karaan gobollada dhiggooda ah.

Hoggaamiye Xirsi ayaa bulshada reer Daadmadheedh ugu baaqay in ay ka faa’iidaystan fursadan dadka loogu talo galay si mug lehna isu diwaangeliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here