Odey Da’ Ah Gaajo Iyo Haraad Dartii Ugu Geeriyooday Puntland

0
270

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay Kaam ku yaalla halkaas uu qof shacab ah uu ku geeriyooday.

Qof kaas oo lagu sheegay inuu ahaa Odey waayeel ah ayaa la tilmaamay inuu gudaha Kaamka lagu magacaabo Shabeelle uu ugu geeriyooday Gaajo iyo haraad dartii, kadib markii uu waayay Cunto iyo Biyo uu cabo, kadibna uu halkaas ku dhintay.

Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Magaalada Garoowe oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Golaha deegaanka lagu soo wargeliyay in xalay Kaamka Shabeelle uu Odey waayeel ah ku geeriyood.

Xildhibaan Axmed Abshir Surato ayaa waxaa uu caddeeyay in dadkii Odeygaas wax siin jiray oo danyar ahaa laga diiday in Suuqyada Garoowe wax lagaga iibsado Lacagta Shiling Soomaaliga oo haysteen.

“Saaka mar aan fadhiyey shir-ka Golaha Deegaanka Degmada Garowe waxaa warbixin nala ku siiyey xalay Garowe kaam ku yaalla oo la yidhaahdo kaam Shabeele in uu nin waayeel ah ugu geeriyooday gaajo iyo oon kadib markii dadkii quudin jiray Shilimaadkay haysteen ay suuqa waxba uga goyn weyday. Waa masiibo haddii warkaasi saxyahay. dadka ALLE wax siiyey waxaa la gudboon in ay sadaqo la baxaan oo ay ka warhayaan qofwalbana xil iska saaro qaraabadiisa iyo dariskiisa inta jilicsan, arinkaan kuweena wax haysta ayaa lagu imtixaamayaa ee ALLE uma waayin dadkiisa deeqdiisa” Axmed Abshir Surat.

Si kastaba Magaalada Garoowe ayaa shalay waxaa ka dhacay banaanbax ballaadhan oo lagaga horjeeday diidmada lacagta Shilling Soomaaliga iyo Sicir barar xooggan oo halkaas ka jira, waxaana la sheegay in Ganacsatada ay diideen inay qabtaan Shilling Soomaaliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here