Madaxwayneku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxwaynaha JSL Oo Soo Xidhay shirwayne Laba Maalmood U Socday Wasaaradda Deegaanka Iyo Hay’adaha Qaramada Middobe + Sawiro

0
952
????????????????????????????????????

Madaxwayneku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxwaynaha JSL Oo Soo Xidhay shirwayne Laba Maalmood U Socday Wasaaradda Deegaanka Iyo Hay’adaha Qaramada Middobe.

Hargeysa(wsn) Madaxwayneku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta soo xidhay shirwayne magaalada Hargaysa uga socday Hay’adaha UN-ka iyo Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Iyo Deegaanka Shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Hay’ada UNDP ee horumarinta qaramada midoobe.

Shirkani oo muddo laba maalmood ah ka socday Hotelka ammbasador ayaa lagu lafaguraayay sidii ay Hay’adaha UN-ka iyo Wasaaradaha Xoolaha iyo Deegaanku iskaga kaashan lahaayeen ilaalinta Bilic-da Somaliland islmarkaana looga hor tagi lahaa abaaraha kusoo noqnoqonaya mandaqada.

Sarkaalkaa u hadlay Hay’ada UNDP ayaa sheegay in ay wakhti badan ku bixiyeen sidii uu shirkan laba geesoodka ahi uga furmi lahaa magaalada hargaysa isagoo balan qadaay inay Hay’adiisu wixii karaan keeda ah ka qabanayso Cimilada iyo deegaanka Somaliland .

Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in abaarta baahsan ee ka jirta guud ahaan Somaliland ay dabar jartay kala badh Xoolahii dalka islamarkaana deegaanku marayo meeshii ugu liidatay waxaanu ugu baaqay Hay’adaha qaramada midoobay inay guntiga dhiisha isaga dhigaan .

Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandarre oo iyana madasha ka hadashay ayaa sheegtay in miisaaniyada loogu talo galo ilaalinta deegaanka Somaliland aanay sooba dhaafin Hay’adaha qaramada midoobay waxaanay ugu baaqday Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba inay xil iska saraan sidii ay wax muuqda uga qaban lahaayeen arrimaha Deegaanka .

Madaxawayne ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxwayanaha JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo soo gunaanaday shirwaynahaasi ayaa yidhi “Xukuumada Somaliland waxay abaaraha u samaysay gudi la tacaasha wax kaqabashada abaaraha ,guddidaasina waxay sameeyaan dhaqaale ururin joogta ah,wakhtigan abaaruhu waxay marayaan meel aad iyo aad u liidata,waa mid baaxad wayn oo aan muddo yar lagaga soo kaban karin,waxaanu taageero uga baahan nahay ururada caalamiga ah inay naga badhi taraan dadaalka ay dawladu wado “Madaxwayne ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “isbadal ayaa ku yimi wakhtiyada uu roobku di’i jiray waxaana uu culays badani fuulay gobolada Togdheer,Sanaag iyo Sool,abaartani oo saamaysay Hal Milyan oo qof anigoo ku hadlaya magaca Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland waxaan balan qaadayaa inaanu xoojin doono dadaalka aanu ugu jirno isbadalka Cimilada waxa naga go’an fulinta go’aamada kasoo baxa shirkan “ayuu yidhi Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo ka hadlay gunaanadkii shirka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????