Madaxwaynihiina wuu naga baxay ayaan u maleynayaa (Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye) markaa waxaa uu ka galidoonaa waanwaan”.Guddoomiye Kuxigeen 2aad ee golaha wakiilada.

0
397

“Madaxwaynihiina wuu naga baxay ayaan u maleynayaa (Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye) markaa waxaa uu ka galidoonaa waanwaan”.Guddoomiye Kuxigeen 2aad ee golaha wakiilada.

Hargeysa (Warsugannews)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiilada Somaliland mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa sheegay in musharaxiinta Xisbiga Kulmiye iska soo sharaxayaa ay ka badanyihiin Afarta musharax ee imika la ogyahay balse ay sugayaan marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye 10 November ee sanadkan.

Cali Yuusuf Axmed waxaa u carabka ku dhuftay in aanu musharax ahayn madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo balse Xisbiga Kulmiye aanu ka maarmayn madaxwaynaha ee uu ka dhexwadi doono wanaag iyo isku soo dhaweyn musharaxiinta tartamaysa hadii khilaaf soo kala dhex galo marka ay ku tartamayaan golaha dhexe ee Xisbiga .

“Ilaa hada inta la ogyahay waa afar musharax wayna ka badnaan karaan, maalinta tirade mushaxiinta la sheegi karaa waa maalinta shirka golaha dhexe qabsoomo, sida sharciga iyo golaha dhexe ee Xisbiga iyo distoorka sharciga ku taala waxaa la waydiinayaa maalinta yaa musharax u ah madaxwaynaha, yaa musharax u ha madaxwayne ku xigeenka, markaasay sugmayaan tirada musharaxiintu” ayuu yidhi Cali Yuusuf Axmed.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha wakiilada oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu yidhi “inta ka horaysaa waa in isa soo qadintay, intaasina xaqbay u leeyihiin inay isa soo sheegaan laakiinse in kale oo aan wali ka hadlin oo aamusan ayaa jirta.”

Cali Maxamed Yuusuf waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu la shaqay doono musharaxa usoo baxa jagada madaxtinimada Xisbiga isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Kala shaki ayaa imanaya marka la tartamayo laakiin aakhirka waxay iskugu imandoontaa sida uu sharciga KULMIYE dhigayo Guddoomiye iyo hal musharax oo soo bixidoona kaasaana lala shaqayndoonaa oo noqonaya musharaxa xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland waxaa uu carabka ku dhuftay inaanu tartamayn madaxwayne Siilaanyo oo uu ka baxay tartanka musharaxnimada Xisbiga.

“Madaxwaynihiina wuu naga baxay ayaan u maleynayaa markaa waxaa uu ka galidoonaa waanwaan si wanaagsan ay ku dhamaan doonto hadii Alle Yidhaa” Ayuu Yidhi Cali Yuusuf Axmed

xigasho Himilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here