BOQORKA SUCUUDIGA OO DALKIISA UGU YEEDHAY HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABBUUTI IYO ITOOBIYA + SABABTA

0
525

BOQORKA SUCUUDIGA OO DALKIISA UGU YEEDHAY HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABBUUTI IYO ITOOBIYA + SABABTA

Riyaad (Warsugannews):- Gobolkan Geeska Afrika ayaa la filayaa in maalmaha soo socda laga dareemo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo xaraarad diblumaasiyadeed oo aan hore uga jirin marka laga hadlayo dhinaca xidhiidhada dawladaha gobolka iyo dalalka Carabta.

sucuudiga s

Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdalcasiis ayaa Axadda toddobaadkan oo ku beegan 25ka Oktoobar waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha dalka Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ah saddex hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika oo bishan aynu ku jirno ee Oktoobar gudaheeda booqashooyin ku tegi doona dalka Sucuudiga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu.

Diblumaasi Jabbuuti u dhashay ayaa u sheegay Shabakadda Al-Khaleej oo wargeyskan Geeska Afrika uu soo xiganayo in madaxweyne Geelle uu dalka Sucuudiga ku tegeyo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay boqorka Sucuudiga, waxa aanay booqashadiisani bilow u tahay laba booqasho oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ay isla dalka Sucuudiga ku tegi doonaan bishan gudaheeda.

Kulanka Madaxweyne Geelle iyo boqor Salmaan ayaa la filayaa in ay kaga wada hadlaan xidhiidhka labada dal iyo xaaladaha gobolka gaar ahaan dalka Yemen iyo raadka arrintiisu ay ku yeelatay dalalka deriska la’ ah, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika.

Dadka u dhuun-daloola siyaasadaha gobolka ayaa u arka in booqashada saddexdan hoggaamiye ay ku tagayaan dalka Sucuudigu ay xidhiidh la leedahay xaaladda dalka Yemen iyo sidii la isaga kaashan lahaa go’doominta ururrada argagaxisada ah ee Yemen ka hawlgala, gaar a haan Soomaaliya oo isagu kulaalaya xeebaha Sucuudiga, waxase intaas dheer boqortooyada Sucuudiga oo hadda u heellan sidii ay u joojin lahayd fiditaanka dalka Iiraan oo la sheegay in uu u soo galay dalalka Koonfur ka xiga badda cas, waxaa iyaduna xusid mudan ka hortagga Xuutiyiinta oo uu Sucuudigu u arko in ay yihiin gacanta Iiraan ay ku leedahay Yemen. Waxaa kale oo jirta cabsi laga qabo in marin-biyoodka ganacsiga muhiimka u ah ee Baabul-mandab ay ammaankiisa waxyeelaan ururka Xuutiyiinta iyo kooxaha taageersan madaxweynihii xukunka Yemen laga qaaday ee Cali Cabdalla Saalix, cabsidaas oo sii xoogaysatay markii dhowaan ay kooxahani qabsadeen dekedda Al-Xudayd ee Yemen oo aad u muhiim ah.

Itoobiya:

Raysalwasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa isna isla toddobaadka dambe dalka Sucuudiga ku tegi doona booqashadiisii ugu horreysay intii xilka dib loogu doortay horraantii bishan aynu ku jirno. Wargeyska Al-Khaliij Online oo soo xiganaya diblimaasi Itoobiyaan ah ayaa sheegay in labada hoggaamiye ee Sucuudiga iyo Itoobiya ay ka wada hadli doonaan arrimo door ah oo labada dal wadaagaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrinta Yemen, la dagaallanka argagaxisada oo loo arko in uu yahay qaddiyad ay dalalkan oo dhami wadaagaan. Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Gitaju Rada oo isna ka hadlay booqashada uu raysalwasaare Desalegn ku tegi doono Sucuudiga ayaa caddeeyey in xidhiidhka labada dhinac ka sokow ay sidoo kale labada hoggaamiye ka wada hadli doonaan la dagaalanka argagaxisada oo uu sheegay in uu ku sii fidayo Soomaaliya iyo Yemen.

Soomaaliya:

Dhinaca kalana Shabakadda Al-Khaleej ayaa ku warrantay in madaxweynaha Soomaaliya oo isna bishan aynu ku jirno dabayaaqadeeda booqanaya Sucuudigu, arrimaha uu kala hadli doono boqor Salmaan ay ka mid yihiin in uu weydiisto boqortooyada taageero dhaqaale. Diblumaasi Soomaali ah ayaa isna shabakaddan u sheegay in madaxweynihiisa iyo boqorku ay ka wada hadli doonaan isla arrimahaas argagaxisada, isaga oo sheegay in dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo metelaya ururka Al-Qaacida uu saamayn weyn ku leeyahay Soomaaliya, “Waxaa intaas dheer baahida ay xukuumadda Soomaaliya u qabto taageerrada dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee Sucuudiga” ayaa uu yidhi diblumaasigan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Dadka arrimaha siyaasadda lafa gura ayaa dhaq-dhaqaaqan Sucuudigu hadda ka bilaabay Geeska Afrika u arka mid muhiimad gaar ah u leh hawlgallada uu ka wado Yemen, xidhiidhka sii xumaanaya ee Sucuudiga iyo Iiraan iyo cabsida Sucuudiga iyo dad badan oo Sunni ahi ka qabaan faafitaanka Shiicada oo dalka Iiraan uu muddooyinkii u dambeeyey si firfircoon uga shaqaynayey in uu dalal badan gaadhsiiyo. Waxaa iyaduna xusid mudan warwarka uu Sucuudigu ka qabo wararka isa soo taraya ee sheegaya in Iiraan ay saldhigyo milateri oo qarsoodi ah ku leedahay dalka Ereteriya oo badda dhinaceeda kale ka soo kulaalaya Baabul-mandab, iyo sidoo kale Yemen iyo Sucuudigaba

Source :- Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here