Muslimiinta Britishka ee Taariikhdu Xusayso oo Dhammaantood Noqday Xubno Somaliland u dhashay

0
313

Muslimiinta Britishka ee Taariikhdu Xusayso oo Dhammaantood Noqday Xubno Somaliland u dhashay

London(Warsugannews)ayaa lagu tilmaamay Bisha lagu xusuusto Muslimiinta Madawga ah ee haysta Dhalashadda waddanka Booqortooyada Britan. Hase-yeeshee, waxaa kaalintaas sannadkan ku guulaystay saddex xubnood oo dhammaantood Somaliland ka soo jeeda dhalasho ahaan.

muslimiin biritish ahWargeyska OnIslam ayaa qoray inay saddexda qof ee Britishka Madow ee Muslimiinta ee Taariikhda xusayso ay u wada dhasheen dalka Somaliland, waxayna kala yihiin: Orodyahanka Mo Farah, gabadha Qorta buugaagta ee Nadifa Mohamed iyo Saxafi/Qoraa Raage Omaar. Saddexdaasi qof waxay isbeddel ku sameeyeen Taariikhda cusub ee dalka Britain.

1- Mo Farah, Orodyahanka Fogaanta Dheer:-

Waxa uu ku dhashay Caasimadda dalka Soomaaliya ee Mogadishu sannadkii 1983-kii, Magaciisa dhabta ah waa Maxamed Mukhtaar Jama Farah, waxa uu noqday Orodyahanka ugu weyn dalka Britain ee Masaafadda Dheer (UK’s greatest distance runner).

Orod-yahanka waxa uu haystaa Horyaalnimadda dalalka Europe ee Orodka 1,500 meter, 10,000 meter Orodka Marathonka badhkiisa iyo kan laba mayl. Waxa kale oo uu haystaa Diiwaan-gelinta Orodka Britain ee 5,000 oo meter iyo 3,000 meter.

Mo Farah waxa uu Billado Dahab ah ka helay Orodkii 5,000m iyo 10,000m ee Tartankii Olombikadda ee sannadkii 2012-ka iyo Horyaalka Orodka Caalamka ee sannadkan 2015-ka. Halyeey Mo Farah waxa kale oo uu ku guuleystay 5 Billadaha Dahabka ee Horyaalnimadda Orodka ee Qaaradda Europe. Waxa kale oo uu noqday Orod-yahanka Europe ee sannadihii 2011-kii iyo 2012-kii.

Ururka Qorayaasha Ciyaaraha Fudud ee Britan waxay Mo Farah u aqoonsadeen Orod-yahanka British-ka ee sannadka.

2- Qoraa Sheekooyinka Nadifa Mohamed:

Nadifa Mohamed oo ah Qoraa Somaliland-British waxay dhowr jeer ku guuleysatay Anbaalmarin Qoraanimadda Sheekooyinka (Novel). Buugeeda ugu horreeyey oo la magac baxay “Black Mamba Boy” waxaa la daabacay sannadkii 2009-kii.

Buuggaasi waxay kusoo bandhigtay Taariikh-nololeedka nolosha Aabaheeda oo ku noolaa dalka Yemen muddadii u dhexeysay sannadihii 1930-aadkii iyo 1940-aadkii ee xilligii Gumeystayaasha. Buugaasi inkastoo aad loo naqdiyey, haddana waxay ku muteysatay Abaalmaarinadda kala ah:

The 2010 Betty Trask Award,
The 2010 GuardianFirst Book Award,
The 2010 Dylan Thomas Prize,
The 2010 John Llewellyn Rhys Prize.

Sannadkii 2013-kii, waxay soo saartay Buuggeeda Labaad ee Sheekadda “The Second Novel, oo loogu mgagac daray “The Orchard of Lost Souls”. Buuggaasi ayaa waxa uu ku saabsanaa Dagaalladdii Rayidka ee Soomaaliya.

Nadifa Mohamed waxay Buuggaasi ku muteysatay dhawaan Abaalmarinta “The Somerset Maugham prize” iyo Abaalmarinta kale ee ay muddada dheer sugaysay ee “The Dylan Thomas prize

2- Raage Oomaar, Saxafi:-

Raage Oomaar waa Saxafi iyo Qoraa Somali-British, wuxuuna mihnadda Suxufinimadda ka bilaabay War-dire (Reporters) BBC-da uga soo hadli jirey dalka Ethiopia, kaddibna waxa uu noqday Wakiil-wareedka BBC-da uga soo warama dalka Ciraaq.

Bishii September ee sannadkii 2006-dii, Raage Oomaar waxa uu u soo wareegay oo uu xil cusub ka helay Tv-ga Aljazeera English, oo uu ka noqday Barnaamij-soo-jeediyaha Barnaamijka Toddobaadlaha ee “Witness”. Waxa uu Barnaamijkaasi waday tan iyo bishii January ee sannadkii 2010-kii.

Warbixinta “The Rageh Omaar Report” waxa uu markii ugu horreysay hawada la geliyey bishii February ee sannadkii 2010-kii, waxa uu ahaa Barnaamij Dukumenteri bile ah; “Monthly investigative documentary.“ kaasoo uu inta badan ku soo qaadan jirey Dabalgalka Dhacdooyinka Calaamiga ee xilligaas taagan.

Laga bilaabo bishii January ee sannadkii 2013-kii, Raage Oomaar waxa uu noqday Wakiil-wareed Khaas iyo Tebiye u shaqeeya Telefishinka ITV NEWS. Waxuu soo tebin jirey Wararka muhiimka ee guud ahaan dalka Britain. Sannad kadib, waxa uu Raage Oomaar noqday Tifaftiraha Arrimaha Calaamiga ee Telefishinka ITV News.

Dhinaca kale, Raage Oomaar oo ah Qoraa, waxa Buuggiisa ugu dambeeyey uu ugu magac daray “Only Half of Me”.

Xigasho Himilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here