Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya

0
515

KISMAAYO –war sugan  Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa maanta kulankii ugu danbeeyey kula qaatay magaalada Kismaayo safiirka uu waqtigiisu sii dhamaanayo ee Dowladda Ingiriiska Mrs Harriet Mathews.

Ujeedada kulanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid kala warqaadasho iyo Ismacasalaameyn ah ayaa labada dhinac ,waxay kawada hadleen arrimaha nabadda ee Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland.

Danjire Mrs Harriet Mathews ayaa sheegtay in dowladda UK ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato hawlgalka ay Jubbaland ka wado gobolka ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab ayna taageerayaan ciidamada Jubbaland.

Waxay sheegtay oo kale iney aad ula dhacday sidii quruxda badneyd ee Xildhibaanada cusub loogu soo doortay magaalada Kismaayo ,iyadoona ka codsatay in ay sii wadaan doorkooda la xiriira habsami u socodka Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyey kaalmada ay la garab joogto Soomaaliya gaar ahaana maamulka Jubbaland iyo dadaalkooda ku aadan xasilinta nabadgelyada Soomaaliya.