Roobab lagu Qabowsaday oo ka da’ay qeybo kamid ah deegaanada Puntland

0
372

BOOSAASO –war sugan  Roobab lagu qabowsaday ayaa ka da’ay qeybo kamid ah deegaanada Puntland ka dib muddo dheer oo ay abaaro ka jireen Puntland.

Roobabkan ayaa ka dalai deegaano badan oo ku teedsan xeebaha gobolada Bari,Karkaar iyo Garadfuu ee Puntland,waxaa kaloo ay roobabkan ka dagen degmooyinka Iskushuban,Benderbeyla,Rako raaxo iyo guud ahaan dhulka miyiga ah.

Deegcanada ay roobabku ka dagen qaarkood oo bilowday shalay galab ayaa la sheegayaa in ay geysteen khasaare naf iyo maalba leh,waxaana deegaanada uu khasaaraha ka geystay kamid ah degmada Bender baal ee gobolka Karkaar.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiqaadir Siciid Carshe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in degmooyinka gobolka iyo deegaamada miyiga ah ee hoos yimaada uu ka da’ay roob biyo qaad ah.

Degmooyinka Bender bayla, Xaafuun,iyo degaamada hoos yimaada roobab tumay ah (biyo-qaad ah) ayaa ka da’ay, magaaladda rako raaxo roob ma qaban, laakiin tuulooyinka hoos yimaada ee xunbays, qodax, qoton iyo duud hooyo’ayuu yiri
Cabdiqaadir Siciid Carshe
Guddoomiyaha gobolka Karkaar ayaa sheegay in roobabka ka dalai deegaano hoostaga degmada Bender baal ay geysteen khasaare dad iyo duunyo ah.

Hal qoys oo odaygii ka maqnaa ayaa la soo sheegayaa in haweenay lamaan, aan nolol iyo geeri mid la ogayn meeshay ku dambaysay, hase yeeshee waxaa la helay  maydkia wiil yar  oo ay dashay haweentaas la waayay”ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu sheegay in roobab aan xooganeyn ay ka dagen degmada Waaciye iyo tuulooyinka kale ee ku teedsan laamiga ee isku xira Qardho iyo Boosaaso.

Dhanka kale ,wararak aan ka helayno gobolada Sanaag iyo Sool oo abaar xoolo qaad ahi ay ka jirtay ayaa lasoo sheegayaa in roobab biyo dhig ah ay ka da’een ,waxaa kale oo jira robaba laga soo sheegayo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Nugaal ee Puntland.