Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Oo Markii u horeysay Heshiis Awood Qaybsi Ogolaaday iyadoo ay wada kulmeen Raisal wasaaraha itoobiya iyo Madaxweynaha Kiiniya +SAWIRO

0
546

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Oo Markii u horeysay Heshiis Awood Qaybsi Ogolaaday iyadoo ay wada kulmeen Raisal wasaaraha itoobiya iyo Madaxweynaha Kiiniya +SAWIRO

Adis Ababa (Warsugannews) Madaxweynaha dalkaasi Koonfurta Sudan ayaa markii ugu horeysay ogolaaday heshiis la doonaayo in lagu soo afjaro colaada ragaadisay dalkaasi . Heshiiska uu saxiixay Madaxweynaha Koonfurta Sudan ayaa ah mid ladoonayo in lagu soo afjaro colaada sukeeye ee dalkaasi ka aloosan, waxaana munaasabada heshiiskaasi lagu saxiixayay goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Uganda, Madaxweynaha Kenya, R/Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne kuxigeenka Sudan.
salva_1
Waxaa sidoo kale Munaasabada lagu saxiixayay heshiiska Nabadeed ee Koonfurta Sudan kasoo qeybgalay Wakiilo matalayay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska.

salva_5
Dhincyada isku hayay Koonfurta Sudan ayaa cadaadis xoogan lagu saaray in ay saxiixaan Heshiiska Nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada sukeeye ee ka aloosan Dalka Sudan mudo ku dhaw labo sanadood, waxaana colaadaasi sababtay in kumanaan qof dhintaan kuwa kalana barakacaan.
salva_4
Heshiiska lagu qasbay Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir , ayaa waxaa kamid ah in Kooxda Mucaaradka ay qeyb ka noqdaan Dowlada Dalkaasi, Hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar uu noqso Madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Sudan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ayaa horey ugu hanjabay dhinacyada isku haya Koonfurta Sudan hadii aysan gaarin xal nabdeed ayna saxiiin heeshiiska laga soo shaqeeyay in ay kusoo rogi doonaan cunaqabateyn adag.

salva_2

Dadka Falanqeeya Siyaasada Koonfurta Sudan ayaa aaminsan in heshiiskan la saxiixay aysan ku filneyn inuu soo afjari doono dagaalka, maadaama xubno katirsan Mucaaradka ay sheegeen inay dagaalka sii wadi doonaan, sidoo kalena dhanka dowlada aysan ku qanacsaneyn heshiiskan oo u muuqda mid lagu qasbay.

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here