Madaxweynaha oo furay shir u dhexeeya Somaliland iyo waddamada kaalmada Binu-aadamnimada bixiya iyo qaramada midoobay + Sawiro

0
541
????????????????????????????????????

Madaxweynaha oo furay shir u dhexeeya Somaliland iyo waddamada kaalmada Binu-aadamnimada bixiya iyo qaramada midoobay, kaasoo ka socon doona Hotel Ambassador laba maalmood.

Hargeysa(Warsugannews) WAR-SAXAAFADEED: 06/06/2016- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta furay shir weyn oo u dhexeeya Somaliland iyo waddamada kaalmada bixiya iyo qaramada midoobay, kaasoo ka socon doona Hotel Ambassador laba maalmood.

Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo madaxweynuhu halkaa ka jeediyey ayaa waxay ahayd sidan:-
Ambassadoorro, Wasiiro, Marti-sharaf, Mudaneyaal iyo Marwooyin, soo dhawayn diirran ayaan idiin fidinayaa dhammaantiin xilkaad iska saartaan inaad timaadaan Hargeysa si aad uga qaybgashaan shirka 9aad ee isu-duwidda mucaawimooyinka heerka sare ee Somaliland.

Somaliland haddaan nahay, waan ku qanacsanahay waxa inoo qabsoomay intii aan wadaagnay wax wada qabsigan la magac baxay kaalmadda heerka sare ee Somaliland, anigoo ku rajo weyn in waxa hore inoogu soo qabsoomay innagu dhiirrin doonaan inaan hore halkaa uga sii wadno wax wada qabadkeenna dambe.
Anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo dawladda Somaliland, waxan salaan iyo qaddarin kal iyo laab ah u qaddimayaa inta nagala shaqaysa dhinaca horumarinta, sida deeqsinimada lahayd ee ay wax ula soo qabteen Somaliland sanadihii hawlwadaagga la ahaa. Kaalmadiinnu waxay keentay isbeddel muuqda oo ka hanaqaada Somaliland markay noqoto nolosha muwaadiniinta Somaliland, waxanay ahayd mid lagama maarmaan ah dhinaca bulsho iyo dhinaca dhaqaaleba.
Dabcan, sannadkani waa mid gaar ah, marka la’eego Somaliland, Sannadkani wuxu astaan u yahay, sannad guuradii 25aad intii ay Ummadda Somaliland wadatay aayo ka tashigeeda, tuurtay midnimadii dhicisowday ee Soomaaliya, dibna ula soo noqotay madaxbanaanideeda 18 MAY 1991kii.
Somaliland waxay dhaxashay degaan khilaaf iyo dhibaatooyin milateri hagoogeen, iyadoo ay sidaa ahayd, haddana reer Somaliland waxay ka jibbo keeneen dhibaatooyin tiro badan, waxanay abuureen xasillooni iyo nabad adag, iyagoo ku shaqeeyey wadatashi gudohooda ah, oo hoosta laga soo dhisay ilaa korna la geeyey. Waxay dhiseen diimuqraadiyad nabad lagula kala wareego awooda dalka, goobjoogna ka ahaayeen beesha caalamku, laguna meel mariyey maamul wanaag taageero u ah nidaamka dawladnimo ee dastuurka ku dhisan, dhawrista xuquuqda aadamaha, iyo bixinta adeegga bulshada.

Waxan u diyaargarownay hadda doorashooyin kale oo qabsooma maarij 2017, inkastoo abaarihii awgeed aan diiwaangelinta codbixiyayaasha waxoogaa hakinay, haddana diyaargarawga waxa lagu soo celiyey siduu ahaa. Somaliland intii awoodeeda ah way qabatay si doorashada soo socotaa wakhtigeedii ugu qabsoonto, waxyaalaha ay qabatayna waxa ku jira kharash dheeraad ah oo hakintii codbixiyeyaashu sababtay oo ay bixisay, annagoo ku boorrinayna deeqbixiyeyaasha inay dhinacoodana inay ka soo baxaan ballamahoodii ku aaddana caawimada kharashyada diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada sannadka dambe.
Seeska adag ee aan samaynay ee dhinaca nabadda, dibuheshiisiinta, amniga iyo maamul wanaaggu waxay suurta galiyeen jawi habsami iyo wadashaqayn dhaw oo ay yeesheen dawladda, ururada bulshada rayidka ah, iyo inta aan hawlwadaagga nahay ee beesha caalamka in barmaamijyada laga hirgalinayo Somaliland ay noqdaan kuwo midhadhala oo guulaysta.

Wadashyaqaynta meelmarka noqotay ma aha keliya dhinaca mashaariicda horumarinka ee ka hirgalay Somaliland, balse waxay gaadhay dhinacyo kale oo badan, kana mid tahay la dagaallanka argagaxisada, xagjirnimada, iyo budhcadbadeednimada.

Somalilandta maantu way ka duwan tahay tii 1991, Somaliland markii hore iyaduunbaa lafaheeda u tabcanaysay, si ay uga soo kabato wixii ay ka soo dhex baxday ee khilaafku ka mid ahaa, ay ka mid ahayd dibu-heshiisiinta dadkeeda, iyo inay dhisto hay’adaha dawladda oo nabad iyo caddaaladi sal u tahay. Waa dhab oo weli waan ku jirnaa xoojinta iyo adkaynta hay’adahayaga dawladda , haddana waxanu nahay ummad u dhalatay, dhaqana u yahay ganacsigu, soona jeedda oo indhafuran. Waxan soo gaadhnay wakhtigii aanu xoogga saari lahayn mustaqbalkayaga, isla markaana muujin lahayn waxan annaguna ku tarayno mandaqadda ballaadhan.

Dhaqaaluhu kaalin mugleh ayuu ku leeyahay arrintan, waana taasi tan I raalligalinaysaa markaan maqlo casriyeynta lagu samaynayo dekedda Caalamiga ah ee Berbera iyo jidka ganacsi ee Ethiopia iyo Somaliland.

Dhaqaalaha kor u kacayaa waxkama tarayo keliya qaranka jira iyo jid marinta dhismaha nabadda, habsami ugu adeegidda bulshada ee hay’adaha dawladda iyo sharciyeynta hay’adaha dawladda’e, waxa kaloo uu si luxdan wax uga tarayaa dhibaatooyinka shaqo lo’aanta ee la dersay dhalintarada.

Mashaqada shaqo la’aanta dhalinyaraddu ma aha mid haysata Somaliland oo keliya, waxa kale oo ay haysataa qaaradda Afrika oo dhan.

Waxa muuqata in dadku aad u kordhayo, kaasoo halkayagana ka jira, waxanu noqon kara korodh barkhad ama belaayo. Waxanay u baahanahay inaan dhallinyartayada shaqooyin siinno, si aan uga horjoogsanno in loo shaqaalaysto dembiilayaal, kuwo u hubayaan dagaallo ama askarayn iyo inay noqdaan xagjirro.
Somaliland waxay doonaysaa inay iyadu masuul ka noqoto dhismaha aayaheeda dhaqaale, si ay u xaqiijiso inay dhalinyarteeda siiso waxa ay u qalmaan, waxanan ku faraxsanahay inaan arkayo horumarka laga sameeyey dhinaca qorshaha horumarinta qaranka ee 2017-2021 iyo aragtida wakhtiga fog ee Somaliland ee 2030 oo u adeegi doona in inta Somaliland kala shaqeeya horumarintu sidii ay Somaliland xulafo ugala noqon lahaayeen dhinacyada horumarinta ee Somaliland mudanaanta u ah.

Qorshaha horumarinta qaranku (NDP) wuxu xoojinayaa sidii mucaawinada Somaliland ay gooni ugu noqon lahayd, qorshahaasi oo la jaanqaadaya maqaamka gaarka ah ee horumarka dalka.

Iyadoo hadda uu gebegabo yahay qorshaha horumarinta qaranka ee hore, waxa loo baahan yahay kan hadda bilaabmayaana in uu noqdo mid beddel habboon oo horumarleh u noqda kan hore, islamar ahaantaana noqdo mid damaanad qaadaya dal leh hoggaamin fiican oo dadkiisu la xisaabtamaan, iyo weliba mid tayo u leh la shaqeynta Caalamka.

Ereyo kooban haddii aan ka idhaahdo xadhiidhka annaga iyo Soomaaliya. Waxan rabnaa in aanu aragno Soomaaliya xasilloon oo nabadi ka jirto hase ahaatee ma aaminsanin Somaliland oo lagu daro soomaaliya ayaa Soomaaliya ku noqonaysoo mid deggan oo nabadgelyadu u soo noqoto.

Somaliland waxa ka go’an inay ka qaybgaadato xal loo helo soomaaliya, hase ahaatee wax loo baahan yahay in xalkaasi noqdo mid waaqaciya, kana tarjumaya runta jirta oo Somaliland rabitaankeedu ku qotoma. waxay qaadday jid ka duwan kan Soomaaliya, waxanay iskeed u dhisatay dalkeeda dimuqraadiga ah.

Federal Soomaaliya ah oo ay Somaliland ka mid tahay ma jiro, weligeedna ka qaybgali mayso doorasho ka dhacda Soomaaliya. Shacbiga Somaliland waxay doorteen jidka madaxnanaanida muddo haatan gaadhaysa rubuc qarni ama 25 sano, dibna uma laabanayaan, waayo hadday dib u laabtaan macneheedu waxa waaye in la masaxo, lana tirtiro wixii guullo ilaa hadda aan gaadhnay dastuurkayaga iyo nidaamkayaga siyaasadeedna aan dafirno.

Ugu dambayn, waxan fursaddan uga faa’iidaysanayaa mar kale inaan idhaahdo mahadsanidiin deeq bixiyeyaasha kaalmooyinkii ay u fidiyeen Somaliland oo suurto galiyey dadkayaga fursada ay ku horumaraan. Markale waxan deeq bixiyeyaasha uga mahadcelinayaa inay sii wadaan dadaalkooda wax la qabasho ee Somaliland oo ah mid u fiican gobolka Geeska Afrika ee ballaadhan.

Waxan sii wadi doonaa niyadsamida iyo saaxiibtinimada inaga dhaxaysa, taasoo aynu wadaagi doono ilaa musqabalka, innagoo marba marka ka sii danbaysa isku sii dhawaan doona,si loo sii wado Somaliland leh nabadgelyo, dimuqraadiyad iyo Barwaaqo.

Sidoo kale waxan mahadnaq gaara u jeedinayaa gudoomiyaha shirka iyo la gudoomiyeyaasha dedaalka badan ee ay u galeen in shirkani guul ku qabsoomo.
Shirkana sagaalaad ee mucaawimada heerka sare ee Somaliland waxa kasoo qaybgalay xukuumadda Somaliland oo ay metelayaan hay’adaheedu, iyo dalalka kaalmada siiya Somaliland iyo Qaramada midoobay.

Waxa wada jir u gudoominaya shirka, wasiirka Qorshaynta Qaranka, mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Kira Smith, madax xigeenka Safaarada Denmark ee dalka Kenya, Phil Evans madaxa waaxda horumarinta caalamiga ee dawladda Ingiriiska (DFID) u qaabilsan Somaliland, iyo Peter De Clercq ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee isu-duwida hawlaha binu-aadanimo ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland.
Mr Peter De Clercq oo hadal dheer halkaa ka jeediyey ayaa u mahadnaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shirka furay iyo xukuumadda Somalilandba, gaar ahaan wasiirka wasaaradda Qorshaynta.

Waxa kaloo hadalkiisa ku jiray ammaan balaadhan oo uu u soo jeediyey heshiiska dhex maray DP world iyo Somaliland ee ku saabsan horumarinta dekeda Berbera, kaasoo uu ku tilmaamay mid dhaqaalaha kor u qaadi doona shaqo abuur balaadhana laga heli doono.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Speech by The President of the Republic of Somaliland
High Level Aid Coordination Forum – Monday, 06/06/2016

Your Excellences and Ambassadors, Honorable Ministers, distinguished guests, ladies and gentlemen, I wish to extend a warm welcome to all of you who have travelled to Hargeisa to attend the 9th High Level Aid Coordination Forum. We are very happy with the progress we have made through the High Level Aid Coordination Forum process in the past and we hope this year will provide us with an opportunity to make further progress.

On behalf of the Somaliland Government and people, I would like to express our heartfelt gratitude to the development partners for their generous assistance to Somaliland over the years. The support you provide has brought about a transformational improvement in the quality of life of Somaliland’s citizens, and has been an essential ingredient for Somaliland’s social and economic well-being.

This year is of course a special year for Somaliland. It marks 25th year anniversary since Somalilanders exercised their right to self-determination, dissolved the failed union with Somalia on 18 May 1991 and reclaimed independence. The Somaliland inherited was one that had been ravaged by conflict and military subjugations, yet Somalilanders have overcome tremendous adversity to create a stable and enduring peace by means of a locally-driven, bottom-up approach, built a democracy in which power changes hands peacefully in elections which are monitored internationally; and put in place a system of governance which upholds the rule of law, respects human rights, and provides services to its people.

We look forward to holding elections once again in March 2017, and despite short delays in voter registration due to the drought, preparations are on track. Somaliland has done everything it can to ensure the elections take place on time, including paying additional costs due to delays caused by the drought, however, we urge donors to make good on their promise to deliver resources to support the voter registration process for the elections.

The firm foundations we have established in terms of peace, reconciliation, security and governance has produced an environment where government, civil society and international partners can work together in close cooperation to ensure development programmes can be implemented in a successful and effective manner. Our record of working successfully together is not only clear in terms of development, but across many sectors, including efforts to combat terrorism, extremism and piracy.

The Somaliland of today is very different to that of 1991. In the past Somaliland necessarily looked within itself in order to recover from conflict, to reconcile communities and develop peaceful and just institutions. We, of course, still have work to do in terms of consolidating and strengthening our institutions, but we are an entrepreneurial and outward-looking people by nature and it is time for us to focus our energies on our future and demonstrate the contribution we can make to the wider region.

The economy has a crucial role to play in this respect. And this is why I am particularly pleased to hear of the progress being made on Berbera Development Port and the Addis-Berbera Road corridor. A growing economy can not only strengthen existing state and peace-building processes, support public service delivery and legitimize public institutions, but most crucially it can tackle the ongoing crisis of youth unemployment

Youth unemployment is the greatest security challenge that not only Somaliland faces, but the entire Continent of Africa. We face a demographic bubble that could prove to be either a blessing or a curse, and we need to provide jobs for our youth to prevent them from being recruiting into criminality, militancy and extremism.

Somaliland needs to be in charge of our own development destiny to ensure we deliver the future our youths deserve, and I am very happy to see the progress made towards the new National Development Plan 2017-2021 and Somaliland Vision 2030 which will serve as a strategic framework for development partners to align with identified priority areas of Somaliland’s development.

The NDP reinforces the importance of tailoring separate aid packages for Somaliland that account for its status as a separate and distinct state at a particular stage of development. With the current NDP and Somaliland Special Arrangement coming to an end, the new National Development Plan will act as a natural replacement and improvement, guaranteeing national leadership and accountability as well as a strong spirit of international cooperation.

I also wish to say a few words about our relations with Somalia: We want to see a stable and peaceful Somalia, but we do not believe that Somaliland’s integration into Somalia is required in order for that stability and peace to be achieved. Somaliland is willing to play a role in promoting a solution, but it must be a solution built on consent and which takes into account the realities on the ground. The Republic of Somaliland has charted a separate course from Somalia and built its own democratic state. It is not part of any federal Somali state and will not participate in Somalia’s elections. The people of Somaliland chose the path of independence 25 years ago and we will not turn back. To do so would be to erase all of our hard-won successes to date, and deny our political reality.

Finally, I wish to take this opportunity to once again thank donors for the role you play in Somaliland in assisting us to bring about prosperity and opportunity for our people and the positive role you continue to play in supporting efforts to bring stability and development to the wider Horn of Africa Region.

I would like to assure you of our continuing friendship and good will, and we look forward to cooperating closely with you to ensure a future for Somaliland that is marked by peace, democracy and prosperity. Finally, I would like to offer special thanks to the Chair and Co-Chair for the tremendous efforts they have made to ensure this event is a success.
DSC_0001

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Thank You…