Madaxweynaha oo Shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida Saddex Marxuum

0
348

TACSI MADAXWEYNE-09/04/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, mudane Cali Xasan Maxamed oo walaalkii Marxuum Aadan Xasan Maxamed ku geeriyooda magaalada Hargeysa maanta 08/04/2016).

Dhinaca kale Madaxweynuhu, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane. Maxamed Aadan Cilmi (Ilka-case) oo Aabihii Marxuum Aadan Cilmi Ibraahim uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa 09.04.2016.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo gaar ahaan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland, oo uu ka tcasiyadaynaayo geerida Marxuum Kayse Cilmi Guuleed oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada, maantana ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu wuxu waxa uu tacsi daasi gaadhsiinayaa qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga somliland ee ay ka geeriyoodeen saddexda marxuum, waxanu marxuumiintaa Alle uga baryayaa inuu naxariistii janada ka waraabiyo qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka bexeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.