Madaxweynaha oo Shucuubta Islaamka iyo Shacbiga Somaliland ku hambalyeeyey Farxada Ciidal Fidriga + Baaqna u diray Beelaha Gobolka Sool

0
290

HAMBALYADA MADAXWEYNAHA EE CIIDAL FIDRIGA
05-07-2016
Bismilaahi, Raxmaani Raxiim,
Asalaamu Calaykum Wa-raxmatulaahi Wa-barakaatu,

Walaalayaal,

Hargeysa(Warsugannews)Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay inaan munaasibadda ciidal-fidriga awgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin balaadhan dhammaan shucuubta islaamka, ee ku kala dhaqan dunida dacalladeeda, gaar ahaan waxaan si weyn u salaamayaa Ummadda Somaliland Lab iyo Dhadig, Qurba-joog iyo Qol-qol joog, Carruur iyo Cirroole intaba, waxaan leeyahay walaalayaal ku ciida ciid wanaagsan
(Kullu-caam wa antum bikhayr), sannadkan sannadkiisa kale ILAAHAY ha inagu gaadhsiiyo bad-qab, bash-bash iyo barwaaqo.

Maanta waa Maalin weyn, waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa waajib inagu ah inaynu la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee ilaaheen inoo jideeyey.

Si aynu u helno deeq iyo dembi-dhaaf Alle, waxa waajib inagu ah ummad ahaan in aynu dhammaanteen isa-saamaxno, isu-uur samaano, carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhow oo way is qaniinaan. Sidaa darteed, waxaynu ka mid nahay aadamaha gafa ee dunuubta badani ka dhacdo.

Haddaba waxa inagu waajib ah in aynu Allaheena weyn u noqonno, una toobbad keeno, isla markaana iska cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa in uu inaga aqbalo Soonkii, Salaadii, Sekadii iyo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay Bisha Ramadaan.

Waxaan Allaha weyn ee qaadirka ah ka baryayaa inuu inaga yeelo kuwii loo dambi dhaafay ee cadaabta jahanama laga xoreeyey bishii barakaysnayd.

Duco-qabayaal,

Maanta waxaynu joognaa qaran ahaan meel wanaagsan oo samo iyo sareedo weyn leh, taasoo in badan oo qayr keen ahi aanay inala qabin.

Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda:

“Balaayo inta ay kaa maqan tahay qayr kaa ayey la joogtaa”
Waa Eebbe Mahaddii.

ILAAHAY subxaanahu watacaalaa wuxuu inagu mannaystay gallado badan iyo nimcooyin aan la soo koobi karin.

Ummadda gobta ahi waata abaal-gudda, ee waa in aynu ka garownaa, Allaheenna uga mahad-celinnaa deeqdaa uu dusheena ku daadshey.

Ummad ahaan,

• Waxa inala gudboon, in aynu dhinac uga soo wada jeesanno ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca qarannimadeena.
• Waxa inala gudboon, in aynu ilaalinno wada-jirka iyo isku-duubnida dhexdeena.
• Waxa inala gudboon, in aynu is-gargaarno, isla markaana caawinno kuweena taagta daran ama tabaalaysan.
• Waxa inala gudboon, in aynu isu caqli-celino, wanaaga is-farno, xumahana iska reebno.
• Waxa inala gudboon, in aynu ka wada qayb-qaadano horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, taas oo xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay ku hawlan-tahay, xilli kasta.

Nabaddu waa aasaaska noloshada aadamaha, waana waxa aynu ummad ahaan ku soo cawo iyo caano maalnay.
Sidaa darteed, aniga oo munaasibadan ciidal-fidriga ka faa’iidaysanaya, waxaan mar labaad baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dhibtu ku dhexmartay deegaanka Dharkeengeeye iyo Dhumay.

Waxaan leeyahay, walaalayaal colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho ee joojiya dhiigga daadanaya iyo dhagarta dhexdiina.

Waxa kale oo aan ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan, isla markaana gacan siiyaan Ciidammada Qaranka ee ku kala dhex jira iyo Ergooyinka nabadeed ee gurmadka ugu tagay dhex-dhexaadintooda.

Waxaan bogaadinayaa Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka ka soo jeeda Gobolka Sool ee ka-qayb-qaatay dedaalka nabadoonka ah.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ergada isugu jirta Salaadiinta iyo Xubnaha Golaha Guurtida Somaliland ee gurmadka ku tagtay deegaannadaa mashaqadu ka dhacday, iyo cutubyada ka tirsan Ciidammada Qaranka ee nabad ilaalinta u jooga deegaannada Koonfurta Laascaanood.

Waxaan ku guubaabinayaa in ay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana daalin hawsha islaaxa ah ee ay ka shaqaynayaan. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu ka abaal mariyo shaqadaa wanaagsan, miisaanka xasanaadkoodana ugu biiriyo.

Aamiin………. Aamiin………. Aamiin