Madaxweynaha oo Tacsi U Diray Ehelada Marxuum Garaad Cali Buraale Xasan oo geeriyooday Laas-canood xalay iyo shacbiga Somaliland

0
904

Madaxweynaha oo Tacsi U Diray Marxuum Garaad Cali Buraale Xasan OO KU GEERIYOODAY laas-canood

TACSI MADAXWEYNE-03/02/2018-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, garaaddada, isimada dhaqanka, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Garaad Cali Buraale Xasan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/02/2018, Gobolka Sool, gaar ahaan magaalo madaxdiisa Laas-caanood.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Nabaddoon ka baxay qaranka Somaliland iyo bahda dhaqanka, kana mid ahaa garaaddada igu faca-weyn gobolka Sool, door muuqdana ka soo qaatay nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Sool iyo guud ahaanba Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, garaaddada, isimada dhaqanka, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.