Madaxweynaha Puntland oo maanta gaaray degmeda Qandsala ee dhawaan laga xoreeyay ururka Daacish

0
274

Wafdi ballaaran oo uu hogaminayo madaxweynaha maamulka Puntland mudane, Cabdweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta gaaray degmada Qandala oo ka tirsan gobolka Bari.Madaxwynaha puntland ayaa magaaladaasi ku gaaray safar dhinaca badda ah, kaasi oo qaatay in ka badan seddex saacadood.

Safarka madaxweyne Gaas ee uu ku tegay degmada Qandala, ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaaladda degmadaasi, maadama dhawaan degmadaasi ay ciidamada Puntland dib ugala wareegeen maleeshiyo taabacsan ururka Daacish oo ka dagaalama buuraha ku xeeran degmedaasi.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa la kulmi doona inta uu ku sugan yahay degmeda Qandala saraakiisha ciidankii xoreeyay degmadaasi.