Madaxweynaha Soomaaliya oo hadlay degaanada al-shabaab ay dib u qabsadayn

0
376

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadlay degaanada al-shabaab ay dib u qabsadayn

Muqdisho(Warsugannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa meesha ka saaray muhiimada ay leeyihiin deegaanada dib ay ula wareegeen Al-shabaab bishan,isagoo sheegay ineysan micnaheedu ahayn in dib ay u soo rogaal celisay muqaawamada,sida uu hadalka u dhigay.

Ururka Al-shabaab oo dooneysa iney xukunka ka tuurto Dowlada Xasan Sheikh,ayaa bishan gudaheeda dib ula wareegay deegaanka Buq-Aqable iyo Labo deegaan kale oo ku yaalo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“AMISOM iyo Ciidamada Soomaalida waxay guud ahaan la wareegay magaalooyinka waa weyn iyo meelaha kale ee muhiimka ah,” ayuu Xasan Sheikh Xilli wareysi Muqdisho uu ku sinayay Reuters.

Sidoo kale,Madaxweynaha ayaa Hadalkiisa intaasi sii raaciyay in Al-shabaab ay u dhaqaaqi karaan deegaanada fog fog iyo magaalooyinka yar yar,laakiin kuwaasi wax muhiimad ah malahan.

Wuxuu xusay In Kooxda Al-shabaab horay magaalooyin waa weyn u xukumi jireen laakiin Hada,ay ku soo koobmeyn oo kaliya magaalooyin yar yar oo weerar qorsheysan ay ka qaadaan.

Ugu danbeyntii,Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa wareysigiisa ku sheegay in Dowladiisa ku dhiira gelineyso dadka ajaaniibta ah iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya oo Hada u muuqata mid hormar dhinacyo badan ah sameyneysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here