Wasiirka Duulista iyo Hawada Oo Xadhiga ka Jaray Madarka Magalada Laascanood + Sawiro

0
495

10402970_880893695328026_7355130661330557900_n

11149476_690476604386167_9082270308436343287_n

11988610_690476284386199_39447665843422322_n

12033142_690476737719487_6704192211955737263_n

12036904_690476087719552_4663258650290549734_n

12039529_880895718661157_3401330128978670685_n

12043066_880895445327851_5884863314553189271_nWasiirka Duulista iyo Hawada Oo Xadhiga ka Jaray Madarka Magalada Laascanood + Sawiro

Laascanood (Warsugannews) Wafti uu hoggaaminaayo Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, oo uu wehliyo Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa gaadhay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

U Jeedada socdaalka Wasiirka ayaa salka ku hayay, hirgalinta Tiriminaal Casriya oo Wasaaradda Duulista Hawada oo Xukuumadda uga wakiil ah Madaaradu ka hirgalinayso Garoonka Diyaaradaha Laascaanood, kaas oo muddooyinkii u danbeeyay uu ka socday dibudhis ballaadhani.

Geesta kale Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kuwareejiyay Maamulka Garoonka Diyaaradaha Laascaanood, gaadhi cusub oo dab damis ah iyo waliba gaadhi Labaad Oo ay ku Adeegan Donaan Shaqalaha ka Howl-Gali Doona Madarkaasi. Wasiirka oo ka hadlaaya wareejinta Gaadhigaas ayaa sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo ka go’antahay horumarinta Gobolka Sool, isagoo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi tilmaamay inay taas marag u tahay isbadalka baaxada leh ee ka muuqda Gobolka Sool muddadii Xukuumaddu talada haysay.

Dhinaca kale Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland, Mud. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa isna sheegay dadaalka Xukuumaddu ugu jirto sidii Madaar Caalamiya oo laga dhigi lahaa Garoonka diyaaraha Laascaanood, sidoo kale wuxuu Wasiirka Hawlaha Guud ka dhawaajiyay inay shacbiga rer Sool fahmeen ahmiyada ay u leedahay horumarinta Gobolku, iyadoo muddooyinkii hore guud ahaan Gobolka Sool ay ka muuqdeen dibudhac uu kaga hadhay gobolada kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here