Madaxweynaha Taiwan Oo Wacad Ku Martay Inay Xoojinayso Xidhiidhka Somaliland

0
294

 

“Taiwan waxay garab taagan tahay Somaliland waxanay dooneysaa inay sii xoojiso xidhiidhkeena saaxiibtinimo si ay uga faa’iideystaan ​​dadkeennu,” ayuu tidhi Madaxweyne Ing-wen.

“Fadlan aqbal, Mudane, kalsoonida iyo tixgalintayda ugu sareysa iyo sidoo kale sida ugu fiican ee aan u rajaynayo fayoobidaada shakhsi ahaaneed iyo barwaaqada sii socota ee ummadaada sharafta leh,” ayaa lagu yidhi fariinta Madaxweynaha.

Madaxweyne Tsai Ing-wen waxay si qumman u muujisay ‘hambalyo qalbi furan oo ku aaddan sannad guurada 61aad ee madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland’.

Sidoo kale, Joseph Wu, Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan wuxuu isna dhanbaalkan oo kale u soo mariyay wasaaradda arimaha dibada Somaliland

Taiwan iyo Somaliland, waa laba waddan oo dimuqraadi ah ka hanaqaaday Aasiya iyo Geeska Afrika, siday u kala horreeyaan, waxay sii xoojiyeen xidhiidhkoodii sannadkii hore, iyagoo xafiisyo wakiillo ka samaystay Taipei iyo Hargeysa. Tan iyo waagaas, xidhiidhkaasi wuxuu soo jiitay dareenka wanaagsan ee caalamiga ah waxayna labada dal ka soo gudbeen marxalad kale si ay u dhisaan iskaashi soo ifbaxaya kaas oo si muuqata u wanaajiyay adeeg bixinta qaybo badan oo ka tirsan Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here