MADAXWEYNAYAASHA MAREYKANKA IYO RUUSHKA OO NEW YORK KU KULMAY IYO WAXA LA FILAAYO INAY KA WADA HADLAAN

0
347

MADAXWEYNAYAASHA MAREYKANKA IYO RUUSHKA OO NEW YORK KU KULMAY IYO WAXA LA FILAAYO INAY KA WADA HADLAAN

New York (Warsugannews):- Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama iyo dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay muddo sanad ah waxa ay isku hor fadhiisan doonaan maalinta Isniinta ah magaalada New Yor

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisad ka taagan tahay awooda milateri ee uu Ruushka geynayo Suuriya iyo qabashadii uu sanadkii lasoo dhaafay ku qabsaday gobolka Crimea.

Sida uu sheegay mas’uul ka tirsan dowladda Mareykanka, labada hogaamiye ayaa ku kulmi doono hareeraha kulanka guud ee Qaramada Midoobay.

Waxaa lagu soo warramayaa in xiriirkoodii ugu dambeeyay uu ahaa mid ay telefoonka iskula hadleen kaddib markii la gaaray heshiiska nukliyeerka Iran.

Mas’uulka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee Mareykanku ka doonayo kulanka ay tahay in la xaqiijiyo in Ruushka uu ku dhaqmo qodobada heshiiskii xabbad joojinta Ukraine ee bishii Febraayo lagu gaaray dalka Belarus.

Ma cadda in kulanka uu dhici doono ka hor ama kaddib marka uu madaxweyne Putin khudbadiisa ka jeediyo Qaramada Midoobay.

Xiriirka Mareykanka iyo Ruushka ayaa xumaaday kaddib markii bishii Maarso ee 2014-ka uu Ruushka qabsaday gobolka Crimea.

Taasi ayaa waxa ay dhalisay in Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ay cunaqabateyn saaraan Ruushka oo lagu eedeeyay inuu ciidan iyo hub u diray bariga Ukraine.

Ruushka ayaa si xooggan u dhaliilay cunaqabateynta oo uu ku tilmaamay isku day cad oo xukunka looga tuurayo madaxweyne Putin.

Mareykanka ayaa sidoo kale xukuumadda Moscow ku eedeeyay in ay kordhineyso galaangalka ay ku leedahay colaadda Suuriya, ayna dalkaasi u dirtay hub iyo ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here