QARAMADA MIDOOBAY OO BEENISAY WARAR SHEEGAYA IN MARKAB HUB SHARCI DARRO AH SIDA LAGU QABTAY XEEBTA MOMBASA LAGANA HELAY HUB IYO DAROOGO

0
414

QARAMADA MIDOOBAY OO BEENISAY WARAR SHEEGAYA IN MARKAB HUB SHARCI DARRO AH SIDA LAGU QABTAY XEEBTA MOMBASA LAGANA HELAY HUB IYO DAROOGO

New York (Warsugannews):- Qaramada Midoobay ayaa beenisay warar ay saxaafadda qortay oo sheegaya in markab hub sharci darro ah sida lagu qabtay xeebta Mombasa ee dalka Kenya

Todobaad kaddib markii ay ciidammada ammaanka Kenya markabka ku qabteen dekadda Mombasa, ayaa Qaramada Midoobay waxa ay difaacday shixnadda uu sido.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi ayaa lagu sheegay in hubka lagu qabtay markabka Norway laga leeyahay, uu yahay mid sharci ah oo laga soo raray magaalada Mumbai, isla markaana ku socday ciidanka Hindiya ka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo.

Qaramada Midoobay ayaa intaa raacisay in inkastoo shixnadda hubka aan lagu cadeyn warqada rarka markabka, balse uu ku xusnaa inuu saaran yahay

gawaari milateri uu markabka sido.

Warbaahinta ayaa sheegtay in hubka uu ahaa mid kala furfuran oo lagu dhex qariyay markabka, hasayeeshee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taasi ay caadi tahay maadaama laga ilaalinayay in ay waxyeelo soo gaarto inta uu safarka yahay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka warqabto eedaha ah in daroogo laga dhex helay markabka, isla markaana ay baaritaan waddo. Balse waxa ay ka xumaatay in ciidammada ammaanka ee Kenya ay baaritaan ku bilaabeen markabka, ayadoo aanay cidna halkaasi ka joogin Qaramada Midoobay, taasoo ay sheegtay in ay ka hor imaneyso maamuuska iyo xasaanadda uu leeyahay ururkaasi.

Warbaahinta Kenya ayaa aad uga hadashay markabka, kaddib markii ay habeenkii Jimcaha la wareegeen ciidammo la geeyay dekadda Mombasa.

Booliska ayaa markii dambe sheegay in ay markabka ka baarayeen daroogo iyo hub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here