Madaxweyne Axmed M Siilaanyo oo Tacsi u diray Shacbiga iyo Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha Md Riyoraac oo ay hooyadii ahayd

0
344

TACSI MADAXWEYNE-19/01/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Eheladii ay ka baxday Marxuuma Jamaad Sheekh Aadan oo ku geeriyootay Shalay “18/01/2016” Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Raasul Khayma.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida Marxuumada Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) oo ay hooyadii ahayd.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
siilaanyo