Madaxweyne Farmaajo Oo Saxeexay Muddo Kordhintii Labada Sanno Ahayd Ee Ansixiyay

0
256

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay afurkii kaddib saxeexay sharciga gaarka ah ee khilaafka uu ka taagan yahay ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey Isniintii.

 

Farmaajo ayaa saxeexay sharcigan iyadoo Aqalka Sare aan la horgeyn isla markaana Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Sharcigan ayaa waxaa si weyn ugaga soo horjeestey qaar ka mid ah Madaxda Dowla goboleedyada dalka Soomaaliya iyo wadamo badan oo saaxibo la ah dowladda Soomaaliya.

Waxana Sharcigan uu yahay mid u oggolaanaya Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo waqtigoodu dhamaaday inay sii shaqeeyaan labada sanno ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here