“Madaxweyne Muuse, Haduu Shalay U Muuqday Mid Aad U Dagaalamay…” Maxamuud Xaashi

0
294

Labada gudoomiye ku xigeen ee la doortay waa in aanu hal seegin.

Saaxiibkay Cali Xaamud Jibriil, iyo seedigay Siciid Mire Faarax, oo loo doortay labada gudoomiye xigeen ee golaha wakiilada, kuwaas oo ka kala yimi labadii garab ee is hayay. Waxaa la gudboon in aanay seegin, in ay isku yihiin shirgudoon keli ah, balse aanay ahayn shirgudoon ka kooban laba garab. Shirgudoonka cusub ee golaha wakiilada waxaa la gudboon, in ay u jilaan masuuliyadooda wadareed jamac ahaan si jabsan, Isla markaana jaanta iyo jiibta ay isula helaan si joogto ah.

Madaxweynaha waa in aanu hal seegin.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, mar waa hogaamiyaha qaranka, marna waa hogaamiyaha sadexda xisbi qaran mid ka mid ah. Madaxweyne Muuse, haduu shalay u muuqday mid aad u dagaalamay, oo adeegsaday kaadhkii hoggaamiye kooxeed nimada, taas oo aanay jirin habayaraatee wax u diidayay in uu jeeniga saaro jaalkiisa iyo jeedha xisbigiisa. Haddaba, amintan waxaa la gudboon madaxweynaha in aanu seegin, in uu isticmaalo kaadhkii hogaamiyanimada qaranka. Kaas oo faraya in uu mudnaan siiyo midaynta iyo wadajirka mudanayaasha aqalka cusub.

Madaxweynaha waxaa la gudboon in uu gudoomiyaha la doortay iyo gacan yarayaashiisa, ka siiyo gacan dhab ah, sidii goluhu xalay dhalay uga noqon lahaa xagtimihii, xafiiltankii, xamaasadii iyo xanaftii ka dhalatay loolankii iyo laacdankii shirgudoonka golaha wakiilada.

Mudanayaasha cusubna waa in aan hal seegin.

Mudanayaasha cusub ee golaha wakiilada, lixdan kii cisho ee u danbeeyay waxaa daashaday kooxaysi, kala qayb sanaan, iyo kaambayn kulul oo u raacay, kii hore ee ay doogtii iyo nabaradii ka soo gaadhay weli damqanayaan. Murti soomaaliyeed ayaa tidhaahda (Gorayga sheedo ku taagani ama Xudun u dhac, ama Nagaad-weyne u dhac). Sidaa darteed, guuli laba nin kama wada qoslisee, hadii lagu kala calaf qaaday hirdankii loogu jiray hanashada shirgudoonka golaha wakiilada, gaar ahaan jagada gudoomiyaha oo ah ta ugu muhiimsan. Waxaa la gudboon golaha cusub in aanay seegin, in ay guusha isku haniyeeyaan, si towfiiq lehna isugu tanaasulaan,

isla markaana halkaa ku ekeeyaan orta, qaylada, abaabulka, ololaha iyo ardaa kala fadhiisiga ibo furka u noqday. Waxaa la gudboon golaha in ay si wadajir ah xilkooda u gutaan, isla markaana ay isku ixtiraamaan kala duwanaashaha aragtiyahooda. Waxaa kale oo la gudboon in aanay marnaba ka gedman, goorta ay waajibka ku tahay, in ay is garab taagaan ama taageeraan xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse, iyo goorta looga baahan yahay in ay toosiyaan, ama hadii ay gaf galaan gacanta ka qabtaan.

La soco taxanaha qormada dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here