Madaxweyne Noo Dalacsii Wasiir Xaglo-toosiye

0
567

Madaxweyne Noo Dalacsii Wasiir Xaglo-toosiye

Waxaan halkan amaan iyo bogaadin aan la soo koobi Karin ugu dirayaa wasaiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Ahmed “ Xaglo-toosiye” oo dadaal iyo juhdi badan galiyey, siduu ugaga illaalin lahaa shayaadiinu Insiga beenta iyo balaayadda kula dhex-wareegaya, ee doonaya sidii ay uga-dhex hurin-lahaayeen collaado hor leh oo uu dhiig ku daato oo dhex-marta dadka walaalaha ah ee wada-deggan deegaamadda buuhoodle.

Mudooyinkii uu hayey xilka wasiirnimo, waxa uu muujiyey dadaal badan oo ay ku dheeh-naayeen geesinimo iyo fir-fircooni uu guure iyo galab carrow ugu jiray horumarka iyo midnimadda Somaliland.

Marka laga yimaado dhinaca xukumadda oo ku bixisay dadaalo badan oo qaatay muddo-dheer sidii hoosta looga soo unki lahaa nabad iyo wada-noolaansho ka dhalata deegaamadaas, iyo in la gaadhsiiyo, lagana hirgaliyo nidaamka diiwaan galinta cod-bixiyayaasha ee ay ku dhisan yihiin saddexda xisbi qaran ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa iyana haboonaan lahayd waa haddii uu ka helli lahaa taageero iyo gacan-siin, siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaamadaas, sababtoo ah, Far-qudhi fool ma dhaqdo.

Inkastoo, ay aad u addag tahay kala garashada ama kala saarista labada fiidyo-cawl, haddana waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ka codsan lahaa inuu noo dalacsiiyo wasiir “xaglo-toosiye” taas, adigoo abaal-marin ugaga dhigaya wax-tarka iyo harumarka uu soo gaadhsiiyey dadkiisa iyo dalkiisaba.

W/Qoraa. Maxamed Faarax Qoti