Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Ka Hadlay Hawl-Galadda Lagu Mastaafurinayo Dadka Soo Galeetiga Ah,Cadeeyayna In Qoysas Baddani Ciidanku Isku Dhiibeen

0
519

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Ka Hadlay Hawl-Galadda Lagu Mastaafurinayo Dadka Soo Galeetiga Ah,Cadeeyayna In Qoysas Baddani Ciidanku Isku Dhiibeen.

Hargaysa(Warsugannews)Taliyaha Laanta Socdaalka somaliland ayaa bulshada ku dhaqan somaliland ugu baaqay in aan waxyeelo loo gaysan dadka aan u dhalan dalka inta laga saarayo,waxaana uu amaanay dad badan oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada oo Ciidanka isku dhiibay si loogu celiyo dalkoodii ay Wakhtiga Badan ka Maqnayeen.

waxa uu sheegay in Maxamed Yuusuf Canbaro hawla galada ay ciidanku wadaan in ay kaga sifayn doonaan dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka ithiopia,waxaana uu tilmaamay in hawl galku ka bilaabay dhamaan gobolada iyo degmooyinka somaliland.

Taliyaha oo hadhwanaagnews maanta la hadlaya ayaa tilmaamay arintan waxaana uu yidhi.”Waxaan bulshadda somaliland ugu baaqayaa inaanay wax dhibaato ah u gaysan dadka aynu walaalaha nahay ee u dhashay

dalka ithiopia,bulshadda aniga oo ku adkaynaya waxaana idin leeyahay dadkaas cida kale ee loo ogol yahay in ay wax ka qabtaan waa ciidanka kala duwan ee somaliland.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadlakiisa siiwata taliyahu.”waxaan halka ka tilmaami lahaa in qoysas badan oo isa soo abaabulay ay gacanta ciidanka isku dhiibeen,waxaana ay dalbadeen in lagu celiyo dalkoodii iyo meeshii ay ka iimaadee,waxaana uu cida kale ee aan wali soo gali gacanta ciidanka faray in aanay amarad loo soo jeediyay ka dhaga adaygin ee ay sharciga u hogaan samaan,kuna Noqdaan dalkoodii.

Maxamed Yuusuf ayaa badka soo dhigay in ay dadka ahaayeen kuwa dalka soo buux dhaafiyay ila hadana ay dad badan oo tiradoodu badan tahay ay dalka ka saareen,iyaga oo gaynaya xadka u dhaxeeya labada dal ee somaliland iyo Ethiopia.

Taliyaha Laanta Socdaalka ayaa dhexda u xidhay sidii uu u fulin lahaa amarka ka soo fulay madaxwaynaha somaliland ee ku aadan cidda aan dalka dhalasho ahaan ka soo jeedin in laga saaro,waxaana uu amarkaasi u fuliyay sidii ugu haboonayd.

Ciidanka Laanta Socdaalka oo gacan ka helayay ciidanka booliska ayaa gaaf wareegaya goobaha kala gadisan ee gobolada iyo degmooyinka dalka,waxaana ay Huteelada laseexdo ku amreen inaan laga kirayn Karin qof aan sida kaadhka dhalashada somaliland ama aqoonsi cadaynaya dalka uu ka yimid.

isku soo wada duubo hadalkan ka soo yeedhay taliyaha laanta Socdaalka somaliland ayaa ku soo beegmaya wakhti dalka laga saarayo cid dalka jamuuriyada somaliland.