Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiirka Warfaafinta ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Abtigii MARXUUM-CABDISAMAD AXMED ISMAACIIL OO Hargeysa ku geeriyooday maanta

0
382

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI MADAXWEYNE 11/10/2015

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Oday MARXUUM-CABDISAMAD AXMED ISMAACIIL oo 11/10/2015 ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu Marxuumku abti u ahaa.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa Muwaadin kaalin weyn ka soo qaatay nabadeyntii dalka, dhismaha dawladnimadda Somaliland, isla markaana si gaar ah uga shaqeyn jiray arrimaha samo-falka ee bulshadda. Waxaanu ahaa marxuumku qofkii u horeeyay ee ceel riig biyood ah ka qoday Somaliland muddo 50 sanno laga joogo waa xilligii Ingiriiskee.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here