Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Socdaal Ugu Baxay Dalka Kenya

0
505

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Socdaal Ugu Baxay Dalka Kenya

Hargeysa, (Warsugannews) — Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa maanta Safar Shaqo Ugu Baxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Kaasi Oo Qaadan Doona mudo shan cisho ah.

“Waxan ka qayb galayaa Shir ka dhacayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay soo qab-qaabiyey Jamacada Cape Town University , South Africa iyo Hay”ada Germany ah “ waxanu ku saabsan yahay Rule of Law oo ah in Garsoorka waxa lala qabto, Shirkaasi wuxuu socon doona afar cisho “ ayuu yidhi Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo aan kula kulmay madaarka Hargeysa

Geesta kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa maanta markii uu ka sii dhoofayay madaarka Cigaal kula kulmay qolka nasashada ee VIPda Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maanta dalka ku soo laabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here