Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo dalka ku soo laabtay iyo sidii loo soo dhaweeyey isagoo ku celiyey inuu Kulmiye dhexdiisa musharax ka yahay+Sawiro

0
335

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo dalka ku soo laabtay iyo sidii loo soo dhaweeyey isagoo ku celiyey inuu Kulmiye dhexdiisa musharax ka yahay+Sawiro

Musharrax Maxamed Biixi Yoonis oo Si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa, kana hadlay Hankiisa iyo qodobbo badan oo aanu hore uga hadal
“Golaha dhexe ee Kulmiye Waxaan leeyahay qofkaad dooranaysaan waxaad ku doorataan Aqoon, waayo-aragnimo, Karti, Xajiin la’aan iyo Taariikh qaali ah oo uu qofku leeyahay…” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa (Warsugannews) Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ahna Musharrax u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Caasimadda Hargeysa, iyadoo lagaga hortegay garoonka diyaaradaha Cigaal, lana soo gelbiyey illaa gudaha magaalada.

Waxa soodhawaynta Musharrax Maxamed Biixi ka qayb-qaatay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaanno, Masuuliyiin KULMIYE ka tirsan, Xubno ku jira Golaha dhexe ee Xisbigaas, Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaanka guud ee Subeer-awal, Madax-dhaqameed tiro badan oo ay labada Suldaan hoggaaminayeen, Odayaal, Wax-garad, Aqoonyahan, Dhalinyaro, Haween, Culimo iyo dadweyne kale oo tiro badan iyo Siyaasiyiin kala duwan.

Markii Madaarka lagu soo dhaweeyey Maxamed Biixi Yoonis waxa uu la hadlay qaybaha kala duwan ee soo dhaweeyey, waxaana ka hor hadalkiisa Cod-baahiyaha ku soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), waxaanu yidhi; “Dadka Maanta halkan isugu yimi waxa weeye KULMIYE ayay ku wada socdaan, Beelo kuma wada socdaan, Qabaa’ilna uma socdaan, Reerana uma socdaan, Xisbiga tallada haya oo Xisbiyadana ugu weyn oo la yidhaahdo KULMIYE ayay ku wada socdaan. Waxaan ku soo dhawaynayaa Mikrifoonka anigoo ku hadlaya dhammaan dadka halkan isugu yimi, gaar ahaan Salaaddiinta oo dhan oo ay metelaan labada Suldaan guud, waxaan ku soo dhawaynayaa Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.”

Maxamed Biixi Yoonis oo ka mahad-celiyey qaabka loo soo dhaweeyey, waxa uu Tacsi u diray Qoysaska, iyo Ehelada Afar Wiil oo dhalinyaro ah oo toddobaadkii hore ku dhintay Badda Berbera. “Marka ugu horreysa waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkiinnan sharafta leh ee sida weyn ee qiimaha leh ee qaddarinta leh maanta iigu soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa anigoo ah Musharrax u diyaar ah inuu hawsha Xisbiga ka soo baxo, Waxaan ILLAAHAY ka baryayaa inuu ila qabto, hadduu Khay ku jiro ila qabto iguna hago.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland muddada 24-ka sano ah ee ay soo jirtay wax badan qabsatay oo dawladihii kala dambeeyey midiba meel soo gaadhsiisay, isla markaana loo baahan yahay in Madaxweyne Siilaanyo ka dib qof karti, aqoon, waayo-aragnimo iyo daacadnimo leh oo halkaas ka sii qaada.

Maxamed Biixi oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Somaliland wax badan bay soo qabsatay 24-kaa sano, Maanta waxay maraysaa meel ay u baahan tahay hawshaa culus ee ay dawladihii hore qabteen ee dawladdan maanta jirta oo hawl fara badan qabatay ee uu Masuulka ka yahay Madaxweyneheenna Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aannu ugu mahadnaqayno hawsha qiimaha weyn ee ballaadhan ee uu dalka u qabtay inuu maanta u baahan yahay hawshaas uu qabtay iyo magaca uu ka tegayo qof aqoonteedii, cilmigeedii, waayo-aragnimadeedii iyo khibraddeedii leh oo halkaas ka sii qaada oo dadka Somaliland mideeya, Somaliland waa mid maanta waxaad arkaysaan halkaa in Bari illaa Galbeed Somaliland ku dhan tahay.”
“Tartanka ka dhici doona (Xisbiga KULMIYE dhexdiisa) ama ha noqdo jago Madaxweyne ama Madaxweyne Ku-xigeen ee waxa uu noqon doonaa tartan dadka Somaliland oo dhan u dhex ah oo qof kasta oo reer Somaliland oo ama Bari ha joogo ama Galbeed ha joogo uu xaq u leeyahay. Waxaynu u baahannahay maanta qof isku mideeya oo dadka isku soo dhaweeya oo aan dadka kala fogeyn, waxaan ahay ninka caynkaas ah ee aamminsan inaan wax qabadkeeda wax ka qaban karo. Waxaan idin leeyahay waad mahad-san tihiin, waanaynu guulaysan doonnaa Insha Allaah, Taageeradiinnaan u baahanahay, waxaan u baahanahay inaad I barbar-istaagtaan, waxaan aamminsanahay inaan ahay nin aad ku aammini kartaan, dalka iyo dadka maamulkooda.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Maxamed Biixi.
Musharrax Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu ka warramay Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ku marayeen maalmihii u dambeeyey waddamada Imaaraadka Carabta, Ireland iyo Ingiriiska oo uu Wasiir ahaan Xubin ka ahaa, waxaanu sheegay inuu yahay safar taariikhi ah oo guul weyn u ah Jamhuuriyadda Somaliland, maaddaama oo aan Ireland Somaliland hore u tegin.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inuu Macallin ahaa, isla markaana meelo badan oo kala duwan oo dalka Somaliland ah uu Macallin Dugsi ka soo noqday, isla markaana ka soo baxay Jaamacadda Hardvord ee waddanka Maraykanka, leeyahayna aqoon iyo karti uu dalka Somaliland ku hoggaamin karo, meel fiican iyo aqoonsina uu gaadhsiin karo.

Wasiir Biixi oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Dalka si fiican baan u kala aqaannaa dad badan baa u haysta malaha inaan Qurbo-joog uun ahaaye, dalka meelo badan baan macallin ka ahaa, Bulla-xaar baan Macalin ka ahaa, Sallaxlay baan ka ahaa, Berbera ayaan ka ahaa, Balli-gubadlaan ka ahaa, Sheekh Baan ka ahaa oo Burco ayaan ka ahaa. Jaamacadda adduunka ugu weyn baan ka baxay ee Hardvord, Jaamacado badan baan ka baxay.”

“Waxaan leeyahay waxaad gaadhsiinaysaa dalka iyo dadka aqoon qalinku shaqeeyo, waxaan ahay qof dalka kala yaqaanna oo meelo badan Macallin ka soo noqday. Golaha dhexe ee Kulmiye Waxaan leeyahay qofkaad dooranaysaan waxaad ku doorataan Aqoon, waayo-aragnimo, Karti, Xajiin la’aan iyo Taariikh qaali ah oo uu qofku leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu mar la weydiiyey inuu jagada Wasiirnimo bannaynayo maaddaama oo uu Madaxweyne isu sharraxayo, waxa uu sheegay inaan sharcigu diidaynin ee uu isaga oo xilka haya jagada Madaxweynaha KULMIYE Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ku tartami doono tobanka bisha soo socota ee November 2015.
10(266).jpg

17(108).jpg

10455355_743902632381570_5719918348845449499_n

10537032_10153313546033860_7917035822954584887_n

11148315_743902455714921_4749120611684766114_n

12096561_743902449048255_8682430249665129571_n

12096561_743902599048240_6065703015560318242_n

12107075_743902682381565_2218241369010187695_n

12115706_730461087059551_2926197994342927070_n

20151011_103739-1024x614

20151011_103749-1024x614

20151011_103755-1024x614

20151011_111553-e1444561772807-614x1024

20151011_111745-1024x614

aa

b

bbb

biixi

fs

ggd

h

hh

soodhawaynta maxamed biixi yoonis

ss

vvvv

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here