MADAXWEYNE SIILAANYO OO XALAY BOOQDAY GURIGA MID KA MID AH SAAXIIBADIISA UGU DHAW + Sawiro

0
709

MADAXWEYNE SIILAANYO OO XALAY BOOQDAY GURIGA MID KA MID AH SAAXIIBADIISA UGU DHAW + Sawiro

Madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo ay wehelinayso marwada koowaad iyo gabadh ay dhaleen ayaa xalay booqasho ku saabsan munaasibada ciidul Odxaha ugu tagay Guriga mid ka mid ah saaxiibadiisa ugu dhaw.

Guriga ay booqdeen oo ahaa midka xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ku yaala xaafada Half London ee Degmada Axmed Dhagax ayaa si diiran waxa ugu soo dhaweeyay xildhibaanka iyo qoyskiisa.
madaxwaynaha11

madaxwaynaha-21
madaxwaynaha 2madaxwaynaha1Madaxweynaha iyo xubnaha qoyskiisa ee wehelinayay ayaa muddo ku sugnaa halkaasi, waxaanay dhinacyadu isku waydaarsadeen hadalo ku saabsan munaasibada ciidul odxaha oo ay isugu hambalyaynayeen.

ma jirin wax ilaalo ah oo wehelinaysay madaxweynaha, marwadiisa iyo waliba inantooda Hodan oo ahayd qofka saddexaad ee la socday, waxaanay ku beegnayd wakhtiga booqashadoodu abaara 8:00 caweysinimo, markii ay u dhamaatayna waxa ay dib ugu laabteen qasriga Madaxtooyada oo ay degan yihiin.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here