Madaxweyne Xigeenka SOMALILAND Oo Dhagax-dhigay Dhismaha Wasaarada Biyaha Oo Shirkadda ALBARAKA Fulinayso

0
458

Madaxweyne Xigeenka SOMALILAND Oo Dhagax-dhigay Dhismaha Wasaarada Biyaha Oo Shirkadda ALBARAKA Fulinayso

Hargeysa (Warsugannews) Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici gudomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Biyaha Dr C/risaaq Jaamac iyo weliba mulkilaha shirkadda ALBARAKA CONSTRUCTION COMPANY, Eng Cali Cumar ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee loo binaynayo Wasaarada Biyaha Somaliland.

Munaasibada dhagax dhiga oo ka qabsoontay goobta loo asteeyay in laga dhiso xarunta wasaaradda Biyaha somaliland oo ay bineynteeda ku guulaystay ALBARAKA CONSTRUCTION COMPANY ayna soo naqshadaynayso Shirkadda wadaniga Ee RIO ART, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay mulkilaha shirkadda Albaraka Eng Cali Cumar oo iftiimiyay hanaanka qurux-da badan ee ay umarayaan dhismaha wasaarada Biyaha sidoo kalena waxa uu xusay in shirkadooda Albaraka ay tahay shirkad wadani ah oo lexe jeclo, weyn ka leh dalka isla markaana dhismayaal munafacaad iyo tayo leh ay dalka ka hirgeliso,
Agaasimaha wasaarada Biyaha Somaliland Dr Cabdirisaak Jama ayaa dhankiisa Madaxweyaha Somaliland iyo xukumaddaba ku aamanay dhismaha xarun loo yageloola wasaarada uu agaasimaha ka yahay ee Biyaha.

Gudomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murashaxa jagadda madaxweyne Ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo isna munasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in caasimada Somaliland Hargeysa biyo yaraani ka jirto isagoona ugu baaqay in wasaarada biyuhu ka hawl gasho sidii biya yaraanta caasimada looga bixi lahaa,
Madaxweyne xigeenka Somaliland oo gabadii halkaasi ka hadlay ayaa xusay in shirkadda Albaraka safka hore kaga jirto shirkadaha ugu dhismayaasha quruxda badan ee Somaliland waxana madaxweyne Xigeenka Mulkilaha shirkadaasi Albaraka iyo Gudomiyaha KULMIYE Ugu dambayntii siwada jir ah Udhagax dhigeen dhismaha wasaarada Biyaha ee Somaliland.

IMG_0006

IMG_0064

IMG_0075

IMG_0100

IMG_0109

IMG_0121

IMG_0131

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here