Madaxweynenimada Donald Trump: Yay tahay in uu ka baqo?

0
867

Dadka Mareykanka waxa ay musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump u doorteen in uu noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka. Natiijadii doorashada ee guushu ku raacday Trump ayaa ka farxisay dad badan sidoo kalena ka nixisay malaayiin qof oo kale.
Marka, su’aasha taagan ayaa ah: Yaa wax ku waayaya yaase ka faa’iidaya madaxweynenimada Trump ?
Haddaba halkan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa hadalladii uu jeediyay doorashada ka hor.
Sidoo kale waxaan eegi doonaa ra’yigii Mike Pence, oo ah barasaabka gobolka Indiana, oo noqon doono madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.
Dumarka
Arrimaha jinsiga ayaa si ka duwan doorashooyinkii hore door muhiim ah ka qaatay ololaha doorashadan, iyadoo codbixyayaashu ay ka fikirayeen in markii ugu horreysay ay u codeeyaan qof dumar ah in uu u noqdo madaxweyne.
Usbuucii ugu dambeeyay ayaa Hillary Clinton waxa ay isku dayaysay in ay ka faa’iideysato “dhibaatada dumarka” ee Trump, waxa ayna ku tilmaantay nin handadaya dumarka, lehna taariikh 30 sano ah oo ku saleysan liidmo, yasid iyo aflagaaddada dumarka.
Bannaanbaxyo lagu diiddan yahay Trump
Image caption
Hillary Clinton ayaa Donald Trump ku sheegtay in uu liidayo dumarka, basle malaayiin qof ayaa u codeeyay.
Balse sida ka muuqatada codbixinta, dumarka intooda badan eedeymahaasi waa ay ku gacan seyreen, waxaana muuqata sida ku cad natiijada horudhaca ah, 42% dumarka ayaa waxa ay u codeeyeen Trump.
Haddii la sii lafa gurana, Trump waxaa u codeeyay 53% dumarka caddaanka ah, 4% dumarka madowga ah iyo 26% dumarka kas oo jeeda Hispanic-ga oo ah kuwa ugu badan ee Trump uu aflagaadeeyay.
Haddaba maxay filan karaan?
Dhanka kuwa guulaystay
Trump waxa laga hayaa in uu yiri “dumarka ilamaha iska soo riday waa in la ciqaabaa”.
Balse qaar ka mid ah dumarka oo ay ka mid yihiin kuwa guryahooda iska joogay ee aan doorashada ka qayb qaadan, arrintan jinsiga ku saabsan waa mid dhiirigelin leh ee ma ahan wax laga xumaado. Qaar ka mid ah dumarkani ayaa u arka aqoonsi lagu muujinayo doorka kobcinta ku saleysan ee taariikhda dumarka.
Intooda badan waxaa soo jiitay ballan qaadka Trump ee ah shaqo abuurka iyo nolal wanaagsan oo ay helaan dumarka caddaanka ah ee shaqeeya, iyo in uu ganaaxo shirkadaha Mareykanka ee wax soo saarkooda ku sameeya dalka dibaddiisa.
Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?
Waa kuma Donald Trump?
Image caption
Gabadha Trump ee Ivanka ayaa dhawr jeer aabaheed ka difaacday eedeymo.
Haweenka uurka leh iyo kuwa ciidamada ka tirsanaan jiray ayaa laga yaabaa in ay ka faa’idaan madaxtinimada Trump. Ivanka oo ah gabadha uu ku curtay Trump ayaa aabaheed ka caawisay qorshe dumarka xaamilka ah ee aan loo ogolayn fasaxa dhalmada ay ku helayaan lix usbuuc oo faxas ah iyaga oo mushaarkooda la siinaya.
Trump waxa uu sidoo kale ballan qaaday in dumarkii dalka difaacayay ee ciidamada ka tirsanaa in uu kharash badan ku bixin doono sidii looga dawayn lahaa dhaawaca qarsoon isla markana uu kordhin tirada dhakhaatiirta ku takhasusay cudurada dumarka.
Dhinaca guul darreystay
Shakhsiyaadka ku dhaqdhaqaaqa arrimaha dumarka ayaa aad uga walacsan sida Trump uu ula dhaqmi doono haweenka ilamaha iska soo rida.
Haweenka dalkaasi ayaa hadda waxa ay xuquuq u leeyihiin in ay ilahama iska soo ridaan haddii ay sidaa doonaan. Balse haddii Trump uu madaxa maxkamadda ugu sareysa u magacaabo qof asal raac ah, waxa dhici karta in arrintaa sharci darro laga dhigo.
Ku xigeenkiisa Pence ayaa sisagana caddeystay mowqifkiisa ku aadan arrintan, waxa uuna sheegay in uusan marnaba taageereyn in naf la gooyo.
Dadka Trump ku eedeyn jiray in uu gaystay tacaddiyo dhanka galmada ah ayaa ka mid ah dadka aan maanta faraxsanayn. Dhawr jeer ayaa lagu eedeeyay in uu dumar six un ula dhaqmay oo uu qaarkood damcay in uu la galmoodo iyaga oo aan raali ka hayn.
Mar haddii Trump uu guuleystay, dadkii arrimahani ku eedeynayay ayaa sugaya in uu dhaqankaasi wax ka badalayo iyo in kale.
Image caption
Taageerayaasha Hillary Clinton ayaa ka naxay guusha Trump.
Muslimiinta: Dalka iyo dibadda
Trump ayaa mar sii horreysay ka careysiiyay muslimiinta, waxa uuna sheegay in la basaaso masaajidda ku yaalla Mareykanka, waxa uuna intaasi ku daray inay tahay in laamaha ammaanka ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Msulimiinta.
Waxaa in badan la sheegay in Trump uu doonayo in si gooni ah loo diiwaan geliyo Muslimiinta Mareykanka, basle arrintaasi ayaa markii dambe waxaa beeniyay xisbigiisa Jamhuuriga.
Image caption
Trump ayaa aad loo cambaareeyay kaddib markii uu si xun uu uga hadlay waalidiinta Humayun S. M. Khan oo ahaa askari ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ku dhintay dalka dibaddiisa.
Dhinaca Guuleystay
Waa ay adag tahay in la sheego waxa ay Muslimiinta ka faa’iidayaan madaxtinimada Trump.
Qoraayaal Muslimiin ah ayaa muujiyay halis Muslimiinta soo wajahayso mustaqbalka, waxa ayna sheegayaan in Trump uusan waligii isku dayin in uu cod ka helo Muslimiinta.
Dhinaca guul darreystay
Dadka naqdiya siyaasadda Trump ayaa ku eedeeyay in uu faafinayo nacayb ka dhan ah Muslimiinta.
Image caption
Trump horey ayuu ugu baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco in ay Mareykanka soo galaan.
Kaddib toogashadii ka dhacday San Bernardino ee ay ku dhinteen 14 qof, Trump waxa uu ku baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco in ay Mareykanka soo galaan basle arrintaasi ayaa la wada cambaareeyay. Dadkii baaqaasi cambaareeyay waxaa ka mid ah Pence oo hadda ku xigeen u noqonaya Trump.
Hadda waxay u muuqataa in Trump uu arrintaasi ka tanaasulay.
Dadka Hispanic-ga
Waxyaabihii uu Trump ballan qaaday waxaa ka mid ahaa in kala xirayo Mareykanka iyo Mexico oo uu darbi dhexdooda ka dhisi doona.
Trump ayaa sheegay in uu musaafurin doono 11-ka milyan ee qof ee dalkaasi sharci darrada ku jooga.
Image caption
Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa maalintii isaga kala guduba xudduudda Mareykanka la wadaago Mexico.