MAHADNAQ IYO HAMBALYO MADAXWEYNE oo ku socota Golaha Degaanka Degamada Tower Hamlets (bariga London)

0
418

WAR-SAXAAFADEED
Date: -22 11//2015

MAHADNAQ IYO HAMBALYO MADAXWEYNE oo ku socota Golaha Degaanka Degamada Tower Hamlets (bariga London).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumaddiisa iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu halkan MAHADNAQ BAAXAD LEH uga dirayaa Duqa magaalada, Golaha Deegaanka iyo guud ahaanba shacabka ku nool Degmada Tower Hamlets ee bariga London. Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Somaliland waxa farxad iyo sharaf weynba u ah inuu ku hambalyeeyo kuna bogaadiyo Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets tallaabadii ku dhaca iyo geesinamadaba lahayd ee ay qaadeen taasoo ay 18-kii November 2015 cod aqlabiyad ah ku aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaasha Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets guud ahaan, gaar ahaana Mayor H.W. John Biggs iyo Xildhibaan Amina Axmed waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kaasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan baahida weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Codka aqlabiyadda ah ee ay Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets ku aqoonsadeen Qarannimada dalkayagu waa tallaabo ku dayasho mudan taasoo ay ku kasbadeen dareenka iyo quluubta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waana mid ku suntanaan doonta xasuusta ummaddayada oo aanu idiinku hayno abaal weyn oo aan duugoobaynin. Sidoo kale shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahad naqayaan cid kasta oo isku hawshay qadiyadda Somaliland oo talo ama taageero ka geysatay.

Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, muddo ku dhow 25 sano waxay dedaal dheer iyo xusul-duub-ba ugu jireen inay helaan aqoonsi iyo ictiraaf buuxa si ay uga mid noqdaan Beesha Caalamka. Dhinaca kale, ummadda Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo ku nool gobol ay colaado iyo khataro halis ahi ku gedaaman yihiin, haddana waxay ku guulaysteen inay dhistaan nabadgelyo waarta, degenaansho iyo xasilooni. Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhab ah ugu guulaysatay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan. Ummadda Somaliland waxay dunida tuseen kartida, awoodda iyo isku kalsoonida ay leeyihiin inay noqdaan Qaran dhisan oo si buuxda u shaqaynaya.

Tallaabada ay qaadeen Golayaasha Degaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets waa tallaabo geesimo leh oo mudan inay Beesha Caalamku kaga dayato. Ugu dambayntii farriinta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u dirayo Beesha Caalamka waxay tahay: “Waxaa la gaadhay xilligii ay Beesha Caalamku gar-waaqsan lahayeen masuuliyaddooda oo ay la iman lahaayeen go’aano ku dhac leh oo ay ku aqoonsanayaan Jamhuuridda Somaluland.”

ALLAA MAHAD LEH

Jamhuuriyadda Somaliland ha noolaato,

Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Press Release
Date: -22 11//2015

Presidential Appreciation Note regarding vote for Somaliland’s recognition endorsed by Tower Hamlets borough on Wednesday 18th November 2015.

The President of Republic of Somaliland;
H.E. Ahmed Mohamed Silanyo

In The Name of Allah the Most Merciful Most Magnificent;

The President of the Republic of Somaliland H.E. Ahmed Mohamed (Silanyo), his government and the people of Somaliland wish to extend their profound and deep heart-felt happiness to the Mayor, councillors and the residents of Tower Hamlets borough in particular, and the people of the UK at large, in appreciation of the acknowledgment of our essence of being in support of our people’s foremost aspirations; the attainment of full recognition.

The brave efforts by H.W. Mayor John Biggs and Councillor Amina Ahmed and the entire council members of Tower Hamlets, of not only the expression of gesture, but indeed of taking the step of the bold action of practically tabling the motion and subsequently voting overwhelmingly in favour of Somaliland’s recognition will forever be engraved in the hearts and minds of the people of our nation.
The residents of Tower Hamlets have surely underscored the relevance of our over century-old relations hence at the same time underpinned the importance of the sacred basic human rights of the people of the Republic of Somaliland to achieve their self-determination and aspiration that they hold so dear.
The latest recognition of Somaliland by another British council heartens Somaliland’s case in Britain and all those who worked hard to secure the Tower Hamlets motion are thanked profoundly by the government and people of the Republic of Somaliland.

For the last 24 years Somaliland has succeeded to nurture legitimacy and trust in the eyes of its own people and cultivating a sense of external legitimacy as a fundamental part of the pursuit for recognition. The people of the Republic of Somaliland have shown to the outside world their determination, resilience, nation spirit, value, belief and exceptional quality with respect to dealing with universal norms and values regarding democracy, peace and stability.

The endorsement by Tower Hamlets council to recognise the Republic of Somaliland will help our international efforts to convince other nations and councils to do as councils of Cardiff, Sheffield and Tower Hamlets have done. Finally, as the President of the Republic of Somaliland my message to the International Community is: “the time has come when the International Community should show the courage and decisiveness to recognize the Republic of Somaliland as a full member of the global community.”

Released by the Presidential Spokesman:
Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)