Man United oo qasnadaha u jabineysa saxiixa weerayahanka kooxda Barca Naymar

0
998

Man United oo qasnadaha u jabineysa saxiixa weerayahanka kooxda Barca Naymar

Manchester United markii ay ku guul dareysatay iney gacanta ku dhigto Pedro ayay markan waxay u weecatay wiilka da’da yar ee reer Brazil Neymar waxana la sheegayaa iney qasnadaha u jabin doonto.

Kooxda Manchester United ayaa la bilowday waddahadalo wakiilka xidiga Barcelona Neymar iyadoo dooneysa inay ku bixiso aduun lacageed oo fara badan waxayna diyaar la tahay iney ku hesho wax kasto oo qarash ah oo ku bixi doona Neymar.

Wakiilka Neymar ayaa sheegaya in Manchester United ay aad u dooneyso saxiixa xiddigan iyadoona diyaar u ah in ay u hurto lacago badan isla markaana ay qasnaha u jabiso.

“ Manchester United ayaa xidhiidho badan ila soo sameysey oo ay ku dooneyso saxixa Neymar weliba wadda hadalo ayeey nagula jirtaa”

Neymar ayaa Barcelona ku soo biirey sanadkii 2013kii isagoona kaga soo biirey dhanka kooxda Santos wuxuna kooxda ku heystaa xaalad fiican isagoo ka mid tiirarka ay kooxda ku taagn tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here