Pedro oo ciyaartiisi koowaad dib u soo celiyey rajadii Chelsea guul iyo goolna ku bilaabay horyaalka Ingiriiska.

0
415

Pedro oo ciyaartiisi koowaad dib u soo celiyey rajadii Chelsea guul iyo goolna ku bilaabay horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Chelsea iyo cayaaryahankooda cusub ee ay dhawaantan kala soo wareegeen kooxda Barcelona ayaa manta guul ka gaaray kulankii ay kooxda West Brom kaga hortageen kaasoo ay guushi Chelsea ku raacday 2-3.
Pedro oo ay ku loolamayeen saxiixiisa kooxaha Manchester United iyo Chelsea isla markaana doorbiday Chelsea ayaa ku soo kordhiyey xawli weerarka kooxda si wanaagsana ula qabsaday weeraryahnada kale ee reer Spain sida Costa iyo Fabregas.

Goolkii ugu horeeyey ee uu ka dhaliyo horyaalkan uu maanta kulankiisii ugu horeeyey cayaarayey ayuu u saxiixay kooxda Chelsea daqiiqaddii 19 aad ka dib markii uu dhamaystiray kubad uu u soo salaxay Hazard wax ka yar ka dib markii ay West Brom iska khasaariyeen rigoore.

Pedro ayaa weerar kale oo ay Chelsea qaaday waxa uu kubad wanaagsan u salaxay weeraryahanka kale ee reer Spain Costa kaasoo u saxiixay Chelsea goolkii labaad.

West Brom ayaa soo guday gool uu u dhaliyey weeraryahankii rigooraha ka qalday ee Morrisson waxaase mar kale ay Chelsea laba gool hor martay kolkii uuu goolkii saddexaad u saxiixay Chelsea daafaca asaguna u dhashay dalka Spain Cesar Azpilicueta.

Kabtanka Chelsea ayaa laga saaray laba ganaax ka dib taasoo ku abuurtay kalsooni badan cayaaryahanada West Brom oo inta badan kulankan looga gacan sareeyey waxaana u suuragashay in ay gool kale helaan inkastoo ay cayaartii ku soo gabagabowday guuldarro ay ku dhamaysteen kulankan ka dib markii ay cayaartu ku soo idlaatay 3-2.

Macalin Mourinho ayaa eedaymo kul kulul u soo jeediyey cayaartoydiisa ka dib labadii kulan oo ugu horeysay ee Horyaalka kuwaasoo sida uu sheegay aysan muujin cayaar u qalanta kooxda inkastoo uu hadana safay kulankii maanta 7 ka mid ah kuwii uuu eedeeyey, waxaana mar kale su’aalo ka sugayaan calaamaadda casaanka ah ee loo taagay kabtanka kooxda oo 34 jir ah isla markaanaa uu kulankii kaan ka horeeyey uu Maurinho bedel ku sameeyey.

Waxaa hubaal ah in cayaaryahanka cusub ee Pedro uu ku soo kordhiyey Chelsea waaya aaragnimo, xawli iyo waliba qaab cayaareed wanaagsan oo laga dareemay kulankii maanta taasoo dib u soo celisay rajadii Chelsea ee ahayd in ay dib ula laabato horyaalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here