Maqaal: Taariikhaha kulanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Manchester United vs Arsena

0
336

waaxa qoraya yaasir br

Wararka labada koox

Kooxda Mancter United ayaa waxaa shaki laga galinayaan in ciyaaryahanada Luke Shaw, Marouane Fellaini, Antonio Valencia and Wayne Rooney ay dhamaantood dhaawac ku seegi karaan kulankaan.

Arsenal ayaa qiimeeyn ku sameeyn doono hadii uu dheeli karo Alexis Sanchez kazoo kulanki talaada xulkiisa qaranka chile u ciyaaray isagoo xoogaa dhaawac qaba.

Daafaca Garabka midi gee kooxda Arsenal Hector Bellerin ayaa kulankaan seegi doona wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa 4 isbuuc dhaawac qoobka kazoo gaaray.

Arsene Wenger oo ka hadlay kulanka United iyo Arsenal

“Waad ogtahay inaan mar walbo guuldareeysanin, waan ka badanay iyaga sidookale waxaa jiray bareejooyin badan”

“Waxaan u maleeynayaa inaan macalin walbo ka guuleeystay 20ki sano aan tababaraha ahaa man aka dhigi kulamada sidaan oo kalaha tar tan u dhaxeeya macalimiinta labada kooxood”

“Wa kulan u dhaxeeya labada kooxood, waan dareemi karaa in dadka ay doonayaan ineey rabaan ineey abuuraan tartan, taas xiiso gooni ah mayeelaneeyso, xiiso waxaa keeni kara qaabka ciyaarta loo dheelo”

Taariikhaha kulankaan

Arsenal ayaana ku soo badinin Old Trafford 9ki kulan ee u dambeeyay Premier League, 7 kulan ka mid ah waa laga soo badiyay.

Gunners ayaa kooxda United kazoo badisay kulan ka tirsanaa FA Cup 2015.

Manchester United

United bar baro hadii ay gasho waxeey ka dhigantahay in marki ugu horeeysay ay noqoneeyso tan iyo 1992.

Hadii United laga badiyo ayaa ka dhigan in ay 18 dhibcood joogi doonaan taaso la micnho ah dhibcihi ugu yaraa 12 kulan kadib sidaas waxeey ku dhacday 2004-2005

Jose Mourinho ayaa marnaba guuldaro kasoo gaarin Arsenal 11-ki kulan ee u dambeeyay, 5 kulan wuu ka badiyay 6 kulana bareejo ayuu la galay.

Wayne Rooney ayaa 14 mar gool ka dhaliyay kooxda Arsenal dhamaan tartamada oo idil, kaliya Aston Villa ayuu rikoor fiican ka heeystaa oo 15 gool ayuu ka dhaliyay

Rooney ayaa goolkiisi ugu horeeyay ee Premier League ka dhilyay Arsenal sidookale goolkiisi ugu horeeyay United sidookale goolkiisi 100 ee Premier League wuxuu ka dhaliyay kooxda Arsenal.

Kaliya wuxuu u baahanyahay 2 gool si uu u soo bar bareeyo Bobby Charlton kazoo ahaa gool dhaliyahay ugu goolasha badan kooxda Manchester United Dhamaan tartamada oo idil.

Arsenal

Arsene Wenger ayaa kaliya 1 kulan ka badiyay 15ki kulan ee uu ka horyimid Jose Mourinho, kulankaas ayaa wuxuu dhacay 2015 tartanka Community Shield.

Guuldarada kaliya ee kooxda Arsenal soo gaartay iyagoo marti ah waxeey dhacday 2016 bishi February waxaana ka badiyay United.

Kaliya 1 kulan ayaa laga badiyay Arsenal 21 kulan u dambeeyay ay ciyaareen.

Gunners ayaa ka mid ah labada kooxood ee aan wali gool laga dhalinin 15ka daqiiqo u horeeyso, kooxda kale waa West Brom.