SAMIR NASRI: “PEP GUARDIOLA AYAA II SHEEGAY INEY AHEYD INAAN U CIYAARO BARCELONA, MAYA MANCHESTER CITY”

0
425

waaxa qory yaasir br

Ciyaariyahanka amaahda ku jooga kooxda Sevilla ee Samir Nasri ayaa shaaca ka qaaday in Pep Guardiola uu u sheegay iney aheyd inuu u ciyaaro Barcelona isla markaana uu jeclaa inuu xaadir kusii ahaado garoonka Etihad Stadium.

Nasri ayaa bilowgii xagaagan si amaah ah ugu biiray kooxda Sevilla, wuxuuna durba wacdaro ka dhigay La Liga isagoo kooxdiisa u hogaamiyay iney booska shanaad ka istaagto kala horeynta horyaalka.

Xidigaan reer France ayaa laga ganaaxay tababarka kooxda markii uu isagoo cuslaaday dib ugu soo laabtay tababarka, balse wuxuu markii dambe helay fursad uu qeyb uga noqdo qorshaha macalin Pep Guardiola.

Guardiola ayaa igu yiri – Tayadaada ma aheyn inaad uga mid noqoto Manchester City, waxey aheyd inaad Barcelon uga mid noqoto” Ayuu yiri Samir Nasri oo la hadlayay Barnaamijka L’Equipe du Soir.

“Waxaan yeelay dhawr wadahadal, wuxuu doonayay inaan joogo isla markaana aan u ciyaaro, waxaan ku iri – Maya – sababtoo ah iima uusan balan qaadi karin boos joogto ah”

“Wuxuu ii sheegay inaan qalad sameynaayo, balse wali laba sanadood oo heeshiis ah ayaa iigu harsan City”