RUUSHKA OO ISAGA BAXAY MAXKAMADA ICC

0
378

waaxa qoray yaasir br

Madaxtooyada Ruushka ayaa Arbacadii shalay shaacisay Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo laalay in wadanka Ruushka uu xubin kasii ahaado Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada ICC oo fadhigeedu tahay magaalada The Hague ee dalka Holland.

Maxkamada ICC ayaa lagu dhisay heshiiskii Rome Statute ee sanadkii 1998, waxaana dhismaha Maxkamada saxiixay in ka badan 100 wadan oo xubno ka ahaa.

Maxkamada ayaa shaqadeeda biloowday sanadkii 2002 waxayna noqotay Maxkamadii ugu horeysay ee Danbiyada oo Caalami ah ee awood loo siiyay si joogto ah inay u baarto danbiyada Dagaal, Xasuuqa iyo danbiyada kale ee ka dhanka ah Xaquuqul Insaanka.

Go’aanka Ruushka ayaa yimid kadib markii Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay in Ruushka uu danbiyo ka dhan ah xaquuqul Insaanka ka geystay Jasiirada Crimea oo ay kala wareegeen wadanka Ukraine.

Wadanka Ruushka ayaa saxiixay sanadkii 2000 inuu xubin ka noqonayo dalalka hoostaga Maxkamada ICC, balse Baarlamaanka dalkaasi ayaan markale dib u ansixin sida uu sharciga qorayo.

Maxkamada ICC ayaa qaada kaliya dambiyada ay galaan madaxda Afrika, waxaana la sheegaa in loo sameeyay kaliya maxkamadan dalalka Afrika.