Maraykanka oo 6 diyaaradood oo Shabaab lagula dagaallamo ugu deeqay Kenya

0
289

Dalka Mareykanka ayaa 6 Diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ee Helicopters–ka ku wareejisay Dowladda dalka Kenya si ay ugula dagaallanto kooxda Al-shabaab oo weeraro ka iyo dagaalo ka fuliya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.Danjiraha dalka Mareykanka u fadiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Robert Godec, ayaa diyaaradahaasi ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Kenya, Haweeneyda lagu magacaabo Raychelle OmamQiimaha lacageed ee diyaaradaha ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan $106-milyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaana ay qeyb ka tahay yabooh dhanka ammaanka ah oo uu Madaxweynaha talada ka dagaya ee Mareykanka siiyay dalka Kenya Sanad ka hor.