SWEDAN: Labo wiil oo walaalo soomaali ah oo lagu dilay xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm

0
350

Xaafadda Rinkeby ee caasimadda dalkaasi Swedan ee Stockholm ayaa waxaa xalay lagu dilay laba ruux oo soomaali ah kuwaas oo fadhiyay baar ku yaal bartamaha xaafaddaasi, waxaa kaloo jira ruux weerarkaasi ku dhaawacmay oo iminka isbitaalka yaalla.

Xalay abaarihii 21:49, ayaa waxaa kooxo hubeysan oo ilaa saddex ruux lagu qiyaasay weerar ay ku qaadeen dad fadhiyay baar ku yaal xaafaddaasi, waxaana rasaas ay ooda uga qaaadeen ku naf-waayay labada ruux, iyadoona uu ku dhaawacmay ruux kale.

Booliska ayaa ku raad-jooga saddex ruux oo dhaallinyaro ah kuwaas oo la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarka, kuna baxsaday gaari cad, sida ay markhaatiyaal sheegeen.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in dhalashada labada dhimatay oo ahaa labo ruux oo waalaalo ah ay soomaali ahaayen.

Xaafaddan ay soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa dhowr goor oo hore ka dhacay falal la xiriira kooxaha gangska, waxaana xaafad ay ajaanibta u badan tahay.