Maraykanka Oo Cunaqabatayntii Ka Qaaday Dacwad Oogaha ICC Bensouda

0
359

Cunaqabateynta ayaa waxaa soo rogay Madaxweynihii hore Donald Trump kaddib markii ay maxkamaddu baadhitaan ku furtay dembiyada dagaal ee la sheegay in Mareykanka uu ka geystay Afghanistan, iyo dalka xulafada la ah Mareykanka ee Israa’iil oo iyadana lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysatay geyiga Falastiin.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in cunaqabateyntu ay ahayd “mid aan habbooneyn oo aan waxtar lahayn” wuxuuna ku baaqay in si dhow la iskula shaqeeyo.

Mareykanka ayaa sidoo kale Phakiso Mochochoko, oo ah sarkaal ka tirsan ICC ka qaaday xayiraad dhanka dal ku galka ah oo saarneyd.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay wada shaqeyn dhow oo dhex marta Mareykanka iyo ICC

“Waxaan rumeysannahay, si kastaba, in walaaceenna ku saabsan kiisaskan ay fiican tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo intii la soo rogi lahaa cunaqabateyn,” ayuu yidhi.Sanadkii la soo dhaafay, maamulka Trump ayaa ICC ku eedeyay inay soo fara gashatay arrimaha gudaha ee Mareykanka kaddib markii ay baadhitaan ku furtay dembiyada dagaal ee la sheegay in ciidamada Mareykanka, Taliban iyo ciidamada Afghanistan ay ka geysteen dalkaas.

Markii uu ku dhawaaqayay cunaqabateynnada, ninkii Mr Blinken kaga horreeyay xilka Mike Pompeo wuxuu maxkamadda ku tilmaamay “waax burbursan oo musuqmaasuqu hareeyay”.

ICC oo arrintaas ka jawaabtay ayaa sheegtay in cunaqabateyntu ay tahay weerar ka dhan ah caddaaladda caalamiga ah iyo kala dambeynta.

Ms Bensouda ayaa shaqada ka tegeysa bisha June, waxaana beddeli doona qareenka xuquuqda aadanaha ee u dhash.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here