Mashruuca Maalgalinta Horumarka Somaliland (Somaliland Development Fund) Qaybtii Labaad

0
490

Mashruuca Maalgalinta Horumarka Somaliland (Somaliland Development Fund) Qaybtii Labaad

Mashruuca Maalgalinta Horumarka Somaliland

(Somaliland Development Fund)

Qaybtii Labaad

“Maalgalinta Mashaariicda Horumarinta Somaliland waxa ku baxaya 64 malyan USD (afar

iyo lixdan malyan oo USD ah mudo afar sanadood ah oo ka bilaamaysa 2013 intii

badnaydna way hirgashay)” hadalkaa waxa yiri Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Dr. Sa’ad

Ali Shire bishan August 15, 2015, mar uu shir jaraa’id ku qabtay xaafiiskiisa. Shirkaas waxa

wasiirka ku waheliyay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Md Osman Abdillahi

Sahardiid (Cadaani) oo isna shirkaa ka sheegay in mashruucan ay masuul ka tahay company

ay leeyihiin qoladii maalgalinta bixisay. Qaybtan waxan kaga hadlaynaa yaa maamula

mashaariicda Somaliland Development, iyo lacagaha ilaa iminka la qoondeeyay iyo halka

loo qoondeeyay.

Maanta ooy bishu tahay August 26, 2015, Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelko oo

ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi mar uu kahadlayay wado laga dhisi doono xaafada

Goljanno ee magaalada Hargaysa“Waddadani waxay noqon doontaa 2KM, 1KM wuxuu ku

jiray qorshaha dawladda hoose, 1-ka KM ee kalena waxaan uga mahad-celinayaa labada

Wasiir ee Maaliyadda iyo Madaxtooyada….” Hadaladan iyo siyaabaha loo hergalinayo

mashaaricda Ayaan ahayn mid cilmiyaysan, masuuliyiintu marnaba kama hadlayaan

xaqaa’iqda mashruuca oo ay ka mid tahay lacagta ku baxaysa, cida qandaraaska qaadatay,

waqtiga lagu dhamaynayo. Qodobadaas waa kuwii aan uga soo hadlay qoraalkaygii kowaad

eek u saabsana mashaaricda iyo marxaladahooda.

Sida ku cad shaxda hoose ku xusan sida laguu soo bandhigay mareegta Somaliland

Development Fund, mashruuca waxa maamula laba gudi oo kala dambeeya; Gudi hawsha

hogaaminaya iyo gudi xoghayneed.

1- Gudida hawsha hogaaminaysa: gudidan waxay ka kooban tahay dawlada Somaliland

iyo deeq bixiyayaasha. Dhinaca dawlada Somaliland waxa qayb ka ah Wasaarada

Qorshaynta iyo Horumarinta, iyo Wasaarada Maaliyada, iyo wakiilada hayadaha

deeq bixiyayaasha, waxa kaloo xubin sharafeed ka ah gudidan wakiila ka socda

bulshada Somaliland. Gudidani iyada ayaa ka masuul ah shirarka iyo waqtiyada

fulinta mashaariicda.

2- Xoghaynta Mashruuca( Somaliland Development Secretariat) waxay

masuuliyadeedu tahay fulinta hawlmaalmeedka mashruuc . Xoghaynta oo

xaafiiiskeedu yahay magaalada Hargaysa ee Somaliland waxa qandaraas ku qaatay

shirkad khaas loo leeyahay oo magaceedu yahay BMB Mott MacDonald oo ah

shirkad caalami ah oo xarunteedu tahay London UK, dunida daafaheeda ka hawl

gasha. Shirkadan ayaa u qaabilsan maaamulka maalgalinta Somaliland Development

Fund.

Sida ku cad shaxdan hoose Gudida Mashruuca waxay ogolaataya lacag dhan 45 malyan oo

qayb ka ah 64 malyanka mashruuca in lagu bixiyo mashaariicda hoos ku xusan, Hayadaha

biyaha waxa loo qoondeeyay lacag dhan 15,043,000 USD (shan iy toban malyan saddex iyo

afartan kun) sidoo kale waxa qayb libaaxa loogu tala galay hayada wadooynka Somaliland

Road Authority/Wasaarada Madaxtooyada lacag gaaraysa 9,928,630 USD (sagal malyan

sagal boqol sideed iyo labatan kun lix boqo iyo sodon).

The SDF Joint Steering Committee has approved USD 45 mln for funding of projects.

Summary of allocations is provided below.

Project Name Project Holder Funding

Marodijeh Upper Catchment Soil

and Water Conservation Ministry of Agriculture 2,556,896

Livestock Holding Ground (LHG)

Project Ministry of Livestock 4,613,555

Capacity Building for Sustainable

Rangeland and Forest

Management

Construction of Hora Hadley

Wellfield & Ayaha 1&2

Settlement Water Supply System

Water Resources Development

Somaliland Ministry of Water Resources , 5,540000

Lafaruk – Berbera – Sheikh

Rehabilitation Project Roads Development Agency 7,169,030

Communications Hub Project:

Increased Citizen Awareness of

Government Development

Priorities, Activities and

Expenditure

Kalabayd – Dilla Road Roads Development Agency 2,759,600

Ministry of Environment and

Rural Development 2,316,000

Hargeisa Water Agency 9,503,000

Ministry of National Planning

and Development 1,858,850

Rehabilitation

Development of Land Policy Ministry of National Planning

and Development 1,000,000

Sool and Sanaag – Health Project Ministry of Health 4,985,863

Sool and Sanaag – Education

Project Ministry of Education 2,608,894

JSC Management Joint Steering Committee 620,000

Project Preparation Facility Joint Steering Committee 260,000

Total 45,791,688

Mashaariicdan hirgalinteeda, dabgalkeeda, waqtiyaynteed intaba wax ka masuul ah gudida

hawsha wada oo ay qayb ka tahay Wasaarad Qorshaynta iyo Wasaarada Maaliyadaa. Sidaa

sarteed, waxa labadan wasaaradood loga fadhiyaa inay shicibka reer Somaliland u soo

bandhigaan halka ay hawshu marayso, mashaaricda la hirgaliyay, wixii dhiman, shirkadaha

qandaraasyada ku guulaysta iyo gababada mashaaricda.

Wa Billahi Tawfiiq,

Eng. Nasir Haibe

abdinasirh@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here