Mo Farah Iyo Mo Ahmed Oo U Soo Gudbay Tartanka Finalka Orodka 5,000m. +Sawiro

0
522

Mo Farah Iyo Mo Ahmed Oo U Soo Gudbay Tartanka Finalka Orodka 5,000m. +Sawiro

Hargeysa(Warsugannews)Orodyahanka Mo Farah ayaa ku sigtey markale inuu kufo tartanka orodka 5,000m balse waxa u suurtogashay in uu isceliyo oo uu u soo gudbo wareegga u dambeeya tartanka orodka caalamiga ah ee ka dhacaya dalka Shiinaha waxana dhici karta in uu markale labo biladood uu ka urursado tartankan.

mofarah-5
Orodyahankan haysta labo biladood oo dahab ah tartanka Olympic ayaa doonayay in uu saddex tartan oo isku xiga ku guuleysto orodka 5,000m iyo 10,000m, wuxuuna sidoo kale ku guuleystay labo biladood oo dahab ah tartanka caalamiga ah Moscow World Championships sanadkii 2013.
mofarah-2

Farah ayaa waxaa kufiyay mid kamid ah orodyahanada reer Kenya ee 10,000m waxana uu ku sigtey in uu ka hormaro orodyahanka kale ee ka soo jeeda dalka Soomaaliya balse u ordaya wadanka Canada Mohammed Ahmed. Hase yeeshee Mo ayaa galay kaalinta labaad isagoo ku dhamaystay orodkan is reebreebka ahaa 13daqiiqo iyo 19.44 seconds, halkakaalinta koowaad uu ka galay orodyahanka Ethipia Yomif Kejelcha.

mofarah-4
‘Ma fiirineyn gadaal wax badan, Caadi ayay ii ahaayeen wax walba, waana wanaagsanahay waa inaan dib u soo kabtaa oo aan isu diyaariyo Sabtida weyn taas oo kulminaysa Jess iyo Gereg iyo anigoo hore bilado ugu guuleysanay.
Farah ayaa sheegay in orodyahanada reer Kenya ay isubahaysanayeen orodkii 10,000m balse waxa uu sheegay in uusan u malaynayn in si ulakac loo kufin tegey tartanka shanta kun.
mofarah-3

‘Qof ayaa lugtayda qabtay,waa sida aan u cararo, qafna ma eedeynayo waayo qaabka aan u ordo waayo waan tallaabo dheerahay waxaa dhacda in marka aan tababarka ku jiro uu qof lugteyda uu ku dhaco. Taasina waa tan aan mar walba u jeclahay in aan gadaal maro ama hore u ordo ama aanba dhinacyada ka cararo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here