Xildhibaan WADDANI Ugu Baaqay Inaanay Xukuumadda Kula Gal-galan Dildilaaca Xisbigooda

0
597

Xildhibaan WADDANI Ugu Baaqay Inaanay Xukuumadda Kula Gal-galan Dildilaaca Xisbigooda

Hargeysa (warsugannews)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilladda ayaa u soo jeediyay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani in aanay xukuumadda kula soo gal-galan burburka ka soo waajahay masuuliyiin ka baxay muddooyinkii u dambeeyay.

Maxamed Xuseen oo shalay u waramayay wargeyska Dawan ayaa waxa uu tilmaamay in aanu jirin wax loolan ah oo ka dhex jira xisbiga KULMIYE gudihiisa, isla markaana murrashaxa madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye uu yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Xildhibaan Maxamed Xuseen oo ugu horayn ka hadlaya in loolan ka dhex jiro xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi “Waxa khilaaf ahi oo ka dhex jira xisbiga Kulmiye ma jirto, xisbiguna burburi maayo, ninkii habaartamaya isaga ayay u taallaa waana xisbi soo jiray in badan oo doorashooyin soo galay, khilaafaadna soo dhex maray, haddana ka soo heshiiyey aahirkii, waana mid dhaqan u leh inuu maareeyo.”

Mudane Maxamed Xuseen waxa kale oo uu intaa raaciyay “Haddii wax yar yari yimaadaana waxaan filayaa in la xalin karo, shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYENA in la qabto ayay u badan tahay oo halkaas hawshu ku dhammaato.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in murashaxa xisbiga KULMIYE u tartamayaa uu yahay madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Murashaxa xisbiga Kulmiye waa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waana ay caddahay in cid kale aanay murashax ahayn, maadaama madaxweynuhu murashax yahay oo aanu caddaynin in aanu murashax ahayn, markaa ma taallo wax kale, waa malo- awaal in xisbiga Kulmiye dhexdiisa tartan ka jiro.”

“Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi cidi kuma haysato guddoomiyenimadiisa, isagaa ayaa guddoomiye ah, shirweyne ayaa lagu doortay shirka golaha dhexena madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu dooran doonaa,”ayuu raaciyay Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye ku guulaysan doono doorshooyinka soo socda waxaana uu yidhi “Waxaan u rajaynayaa xisbiga Kulmiye in uu mar labaad ku guulaysto doorashooyinka soo socda, maadaama uu yahay xisbi guun ah oo in badan soo jiray oo horumar gaadhsiiyay dalka intii uu talLada hayay, mustaqbalkana waxa aan rajaynaynaa inuu noqdo xisbi sii jira oo shaqeeya waana xisbiga ugu awooda badan Dalka.”

Xildhibaan Maxamed Xuseen waxa uu u soo jeediyay xisbiga Waddani in aanu xukuumadda kula soo galgalan kala jabka ku yimi ee ay kaga baxeen masuuliyiin tiro badan, waxaana uu yidhi “Waan maqlayay in laga baxayay xisbiga Waddani, waana wax iyaga ka Khaldan, waxaan u malaynayaa khal-khal dhexdooda galay WADDANI ahaan ayaa keenaya in la kala yaaco, xisbiga mabda’ ayaa loogu jiraa markaa khaladkaa iyaga dhexdooda ka jira in meel kale ay kula soo galgashaan maaha. Markaa qofku haddii uu wax ka garan waayo siyaasadda xisbiga wuu iskaga baxayaa, markaa Khilaafkaa dhexdooda ka jira in ay meel kale kula soo galgashaan waa laga habboon yahay.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu uga digay xisbiyadda mucaaridka ah inay abuuraan muran kale isla waxaanu ku booriyay inay diyaar-garoobaan doorashooyinka soo socda waxaana uu yidhi “Waxaan kula talinayaa xisbiyadda mucaaradka inay doorashooyinka u diyaar-garoobaan waxba yaanay ku meeraysan muranka ma dhalayska ah laakiin hadda waxa aad moodaa in ay sii qaylinayaan oo ay ku meeraysanayaan dhaliilo ay xukuumadda u jeedinayaan, hadda ayaynu muran ka baxnay, xukuumadda iyo mucaarid is haysta ee dib ha innoogu celinina.”

warsugannews

Somaliland Hargeysa Office

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here