“ Mashruucan Qoolcaday in cid lagu keeno, iyo in cid lagu soo daabulo looma samayn, waxa loogu tallo galay inuu Deegaankan nooleeyo.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
366

“ Mashruucan Qoolcaday in cid lagu keeno, iyo in cid lagu soo daabulo looma samayn, waxa loogu tallo galay inuu Deegaankan nooleeyo.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Hargeysa (Warsugannews) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ka qayb galay munaaisbad oo laga dhawaaqay is af garad laga gaadhay Muran ka dhashay mashaariic ay Xukuumaduu ka wado banka Qoolcaday.
Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo hogaaminayey watfi balaadhan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa khudbad ka jeediyey munaasibadaasi oo ka dhacday Deegaanka Qoolcaday, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ ILAHAY ayaa (SWT) ku mahadsan madashan iyo maalintan qiimaha leh ee aynu halkan isugu nimid, dhamaan waan u mahad naqayaa mudanka Cuqaal, Salaadiin, waxgarad, masuuliyiin dawladeed siyaasiyiin iyo gudoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ee munaasibadan inagula sugan. Horumarku waa wax aadamuhu u baahan yahay, waa waxa uu ku kala hana qaado, waa waxa uu maanta ku kala sareeyo, ILAHAY Ibnu aadamka waxa uu abuuray isaga oo siman, isaga oo qaawan midabka ayuu ku kala duwanaadaa, yasayeeshee qaabka kale waa isaga mid, xaga ILAHAYNA wuxuu ku kala mudan yahay cabsidiisa, aduunka inta Aadamuhu qiyaasana wuxuu ku kala bataa sida uu u kala horumar badan yahay.”
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay damaysay Qorshe Horumarineed oo dalka oo dhan ah waxanau yidhi “ Umaddi waxay ku horumartaa adeegeeda bulshada oo kor loo qaado sida mashruucan aynu maanta wadno Biyo iyo Caafimaad, iyo kaabayaasha dhaqaale ee kale sida wadooyinka Dekedaha iyo Madaarada. Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo qorshe ayey dalkan u samaysay oo aan hore u jirin, qorshahaasi wuxuu ka turjunayaa horumarka wadanka. Deegaan walba waxaanu u qorshaynay wuxuu u baahan yahay, Cadaalad ayaanu gobolada ugu qorshaynay, bankani biyo ayuu u baahan yahay, mashruucani wuxuu ka turjumayaa qorsheyaashaasi.”
Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay is afgarad laga gaadhay is fahan waa hore ugu dhashay mashaariicdaasi Qoolcaday laga waday waxaanu yidhi “ Xoogaa is fahan waa ah ayaa mashruucan ka soo baxay, mashruucan in cid lagu keeno iyo in cid lagu soo daabulo looma samayn, waxa loogu tallo galay inuu deegaankan nooleeyo, oo silig lagu xidho, seerihii uu ahaan jirayna laga dhigo, dadka munaafacaad-sanayaana waa intaa taala, cid lagu soo rarayaa ma jirto, Nasiib darro waynu isla garan waynay.”
“ Mashaariicda horumarinta dalku waa laba midi dan qoys iyo dan deegaan weeye midna waa dan qaran, mashuucan biyuhu waa dan Umadeed, haday deegaankan odayaashiisu yidhaahdaan la samayn maayo, dawlad ahaan ka yeeli mayno, Umaddu biyo ayey u baahan tahay, Umaduna way badan tahay, deegaankani wuu qayb sanaa Diidmadana nin kaliya ahi ma laha. Koox kaliyahina ma laha, cadaaladu waxa weeye in aqlabiyada dadka deegaanka la eego waxay doonayso, biyuhuna waa lagama maarmaan, hadii ay diidaan intii diidanayna xoog ayaanu ku qodi lahayn, Riigana waxaanu halkaa u dhignay inaanu dadka qancino, dawlad mudakar ah oo majuura ayaanu nahay, oo aan xooga ku bilaabin ee dadka qancisa, caqligaanu dadka ka korinaa, Cududuna Dawladnimada ayey ka mid tahay hasayeeshee waynu isla garanay, meel fiican ayeynu isla dhignay, waxana inoo balan ah wixii aynu ku heshiinay.”
Wasiir Xaashi ayaa Xusay in arrinta Seeraha banku ay tahay mid deegaan, hadii dadka deegaanku ay diidaana aanay XUkuumad ahaan khasab ku fulinaynin waxaanu yidhi “ Siligu waa dan deegaan, xoogna ku fulin mayno qasbina mayno, haday deegaanku diidaan faraha ayaanu ka qaadaynayaa hada ayaanu idiin sheegaynaa.”
Ugu dambayntii Wasiirka Madaxtooyadda ayaa ka hadlay sida ay ugu go’an tahay XUkuumad ahaan in la fuliyo mashaariicda danta u ah Qaranka Somaliland waxaanu yidhi “ ILAHAY masuuliyada wadankan cid ayuu u dhiibay, Xukuumadii la doortay ayaanu nahay, hadii aynu yeedho yeedho ku baqo guulno socon mayso, waxaan leeyahay Hanjabaad igama aha, Kibirna igama aha, waar budh ku maalkana ma naqaano, sidaana ku baqo guuli mayno, Mashaariicda wadankan ee dantu dalka ugu jirto waanu meel marinaynaa, caqli iyo garasho ayaanu ku meel marinaynaa, xoogna waanu ku daraynaa, hoosta ayaanu ka xariiqaynaa.”

IMG_4818

IMG_4830

IMG_4835

IMG_4842

IMG_4843

IMG_4845

IMG_4846

IMG_4850

IMG_4858

IMG_4859

IMG_4862

IMG_4866

IMG_4873

IMG_4876

IMG_4884

IMG_4892

IMG_4906

IMG_4914

IMG_4915

IMG_4916

IMG_4924

IMG_4927

IMG_4960

IMG_4967

IMG_4975

IMG_4982

IMG_4990

IMG_5012

IMG_5017

IMG_5027

IMG_5046

IMG_5049

IMG_5058

IMG_5079

IMG_5101

IMG_5129

IMG_5132

IMG_5143

IMG_5169