WAY MAQANTAHAY IMANA MAYSO WAANXIISAY ILAABINA MAAYO

0
358

WAY MAQANTAHAY IMANA MAYSO WAANXIISAY ILAABINA MAAYO

Hooyo Faadumo waxay ahayd hooyo soomaaliyeed oo ku nool
magalada Hargeisa. Faadumo waxay dhashay inan yar oo la odhan jiray Maryan.
Sayiga hooyo Faadumo waxa uu geeriyooday Maryan dhalashadeedii wakhti yar uun ka hor, waxaana lagu magaacaabi jiray Aabbo Faarax.

Si kastaba ha’ahaate, {haddana,} hooyo Faadumo waxay ahayd mid ku dadaasha, inay dhamays tirto baahiyaha nololeed, ee inanteeda yar. kaalin kasta oo ku bannana waxay ahayd mid isku dayda inay u buuxiso, hadday tahay mid walaal , tu Saaxiib iyo tii Aabbeba. In kastoo, hadday isku daydo iyo haddii kaleba aanay cidna buuxin karayn, kaalinta Aabbonimo, haddana hooyo Faadumo, waxay isku dayi jirtay oo ay ku dedaali jirtay, in aanay maalinna inanteedu caban; waxna aanay tabin iyadoo og inay qoys yar oo saboola yihiin, haddana iimaankay qani ka ahayd.

Maryan yar waxay tagi jirtay galinka hore dugsi ,halkay galinka danbena ka tagi jirtay dugsi qur’aan oo xaafaddooda u dhawaa. Manay haysan qof casharada iyo qur’aanka ka caawiya, waayo hooyo Faadumo may helin yaraanteedi fursad ay wax ku barato, diini iyo maadiba.

Haddana, iyadoo sidaas ah ayey Maryan, ahayd mid aan kaalinta koobaad ama ta laabad ka bixin, barayaasha Maryan yar waxay ahaayeen, qaar jecel waayo waxayd ahayd mid fahmo wanaagsan.

Maalinba maalinta ka danbaysa Maryan, way sii waynaanaysay waxaanay noqotay mid laga jeclaaday, agagaarka xafadooda heer ay gaadhay awgeed. Hooyoyinka kale markay ubadkooga canaanayaan waxay ku idhaahadaan: “Maxaa sida Maryan oo kale idiin diiday inaad noqotaan.” Waayo waxay ahayd mid hooyadeed iyo dadka ka waawaynba baarriiyad u ah, waxaanay ku darsatay fariidnimo iyo caqli wanaag.

Wakhtigu waa hadhka labadiisa gelin ,waanu cararayaa Maryan way khatintay Qur’aankii dugsigii hoose dhexena way dhamaysay. Waa wakhti ay hooyo Faadumo u dhawdahay, inay talax gabto illeen haddu wed ku daayo gabaw baan ku dayne. Maryana dugsigii sare ayey u wareegaytay, waxay ka baxaysaa marxalad, marxalad kalena way u gudbaysaa. Waloow dugsiga ay u gudbaysa isla deegaankooda ku yaal haddana in dooruu ka durugsanyahay. Heerka barayaasha iyo dugsiga toona wax fikrada kama haysato, saamaynta nolosheeda ay ku yeelatay. Meelanay cidna ka garanayn markay tagtay,Maryan waxay yeelatay asaxaab cusub oo laakiin jecelaystay inay majaro habaabiyaan inanta yare toosan.

Maryan hab dhaqankeedii ,wax barashadeedii iyo wanaageediba si degdega ayay isku badaleen.
Dhaqan kasta oo suubbanoy lahayd, lidkiisii bay yeelatay, maalinba maalinta ka sii danbaysana iyadoon is dareemayn ,inay wax iska bedelayaan ayey faraha ka sii baxday.

Subax subaxyada ka mid ah, ayay Maryan hooyadeed u yeedhay waxaanay ku tidh: “Dhegayso inantaydiiyeey, maalintaan adduunkan ku keenay waan kula yaabana, waayo waxaad ku soo socotay meel ILAAHAY iyo aniga mooye, aanay cid kale kaaga soo horrayn haday tahay waalid, walaal iyo ehel toona. Oo waad ogtahay in aniga Aabbahaaba reerahayagii aanay ka soo hadhin dagaaladii dalka ka dhacay, kii sokeeye iyo kii faqash inta joogtaana ay isku kaayo dayriyeen aniga marxuumkii ku dhalay. guurkayaga iyo dhalashadaadana raali aanay ka ahayn, haddana waa dadkeenii oo iyaga dad inoo xiga, xumaantaasina maalin uunbay dhamaan. Waan ku baqay oo waxan ka baqay, in noloshu ku dhabar jabiso siday aniga ii dhabar jabisay ,waad ogtahay hooyo in aan nolosha cid aan adiga ahayn ku haysan, waad ogsoontahay in markaad adigu calool gashay Aabbahaa xanuun ku so booday oo uu geeriyooday. Hooyo gacalo waad ogayd in aanan helin cid ila kaa korisa, waan ka baqayay inaan ku siin karo nolosha aad jeceshahay, una noolan waydo sida aad jeceshahayna u noolan waydo waxa qayrkaa haystaana kuu jari kari waayo hase ahaate hadana kamaan quusan Raxmada Ilaahay oo Rabi baa garabkeena taagna oo isagaan kuu talo saaratay inu cawradaa yare en ahysto igu asturo ALXAMDULILAAH taasina way dhacaday hooyo wad ka yaabantahay waxan aan kuu sheegayo oo kolay hadalkayga waad karaahiyaysanaysaa waxa aan ku leeyahay waa intaas oo ay wax kuu tartaa maalin maalimaha ka mide hadalkayga dhagahaaga u dhaadhci
Waxa aynu ku noolnahay waa aduunyo, micnaheeduna yahay tii liidatay Ilaahay agtiisana waxay ka tay wax liidata oo wax micno ah lahayn. Maalin baa iman doonta aynu ka tagi doono, oo wax kasta baabi’i doono, haa wax kasta la waayi doono. Hooyo dharaar baa iman doonta aniga aan dhiman doono, kafan yar oo caddan lagu duuduubi doono , iil madowdana lagu ridi doono, labadeenuna aynaan dib isu arki doonin.

Hooyo waxa keliya ee lagu liibaanaa waa raalli ahaanshaha Rabbi ee ku dedaal in Eebbe raalli kaa noqdo. Waxaanad noqon mid adduunkoo keliya ma ahee aakhirana badhaadha.

Inantaydiiyeey, weligaa xaasid ha noqon, xaasidnimada laguma aflaxo. la farax dadkaaga lana murugood waayahana la qaybso. Aniga wakhtigaygii waa iska gabogebo oo hooyo haddaan caawa seexdo, ma hubo in aan subaxa soo toosi haddaan soo toosana, ma hubo berri in uu gabalku ii dhici.

Aduunyadu way is bedbedashaa, waana hadhka labadiisa galin, maalin way kaa farxisaa maalina way kaa nixisaa. Maalina adaa leh maalina qayrkaa baa leh, haw murugoon wax tagay hana ku farxin wax soo socdaa hooyo. Indho ku garaadle ha noqon laga yaabaa, dad nolosha nacaya in ay innaga dakhli fiican yihiin ama inaga nolol wacan yihiin oonay hadana lahayn akhlaaqadaada iyo wanaaggaaga oo kale, cidna haw ogolaan inay xumaan kaaga faa’idaystaan ama ku mijiro habaabiyaan
Cidna caloosha wax hawgu qaban, uur ku-taalona cidna haw hayn, tiiyo hooyo Faadumo hadalkeedi sii wadata, ayay Maryan ka dhex gashay markaasay ku tidhi: Ee wax aan la garanayn baad dhurtaaye, ii bannee! asaxaabtaydii bannu balansanahaye.
Faadumo weedhahaasi waxa ay ka qoomeen qalbiga, oo ilmo ayaa indhaheedii isku soo taagay. Isbedelka asiibay inanteedii baarriga ahayd ayaa qulub iyo walaac ku riday.

Waxaanay ku sii tuurtay hadal ahaa, haye hooyo ee guriga hore ugu so noqo. Maryana jawaab waxay uga dhigtay ee guri iyo hore uso noqo uun baad ka sheekaysaaye, nagada hadalka badan ,waad hadal badan tahaye arag xilliga aan imaado.
Waa runo nin aad dhashaya kuma dhalin. Hooyo Faadumo werwerkii inanteeda ka hayay iyo awood la’aanteedi baa isugu darsamay. Maalina ba maalinta ka dambaysa ayey ka sii daraysay, xaladeeda caafimaadna cadayna ka dhuubatay.

Maryan oo habeen xilli dambe guriga kusoo noqotay ,ayaa maqashay taaha hooyadeed. Waxay moodday in ay caafimaad qabto oo ay se iska taahayso uun. way cashaysay oo way iska nafistay, iyadoo telefoonkeedi ku hadlaysa ayey maqashay taahi hooyadeed oo kasii daraaya. Way u kacday mise hooyo Faadumo waa sakaraad. Way naxday waanay ka dul ooyday, waxaabad moodda qof hurdo ka soo toosay, hooyo i saamax hooyo i saamax bay ku celcelisay. Hadday dhakhtar ula carari lahaydna waa wakhti dambe oo dhakhtar shaqaynaa ma jiro. Hooyo Faadumo wallow uu hadalku ku adkaa, oo aanay hadalba kari karayn, way qososhay waxanay tidhi: “Ilaahoow waa mahadaaha haddaad, inantaydii isoo celiysay. Iyadoo farxsan bay ku tidhi: Hooyo waxan is lahaa, inantaada oo nolosheeda ku guulaystay oo dhakhtarad noqotay, dadkana u gargaartaad arki; ciyaalkeedana dhabtaad ku soo kortay baad ku korin baan islahaa. Ilaahay ballan lamaynu geline wakhtigaygii sida u saansaan eegyahay waa gebogebo, oo waa wakhtigaan ku nabad galyeyn lahaa. Maryan way ooyaysaa, waxanay leedahay hooyo sidaa ha odhan, waad ladnaanaysa hooyo dhakhtarkaan ku gaynayaa. Faadumo waxay ugu jawaabtay inanteedii, hooyo waynu ku qasbanahay inaynu safar galayno, waanay innagu adagtahay inay noqoto, sahaydaada aad dadkaaga uga tagaysaa tahay xasuus kaliya. Adigoo aamusan baad ka dhex baxaysaa cid kasta ood jeclayd kaliya waxa kaso baxayaana ay tahay laba goo rood neefsatid adigoon cudr daar siin dadkaad ku gaftay kuwaad jeclaydna u sheegin intaad jeceshay iyo qadarintaad u haysayba albaab kasta oo idiin dhexeeyana lagaa xidho dabadeedna aad dhaqaajisid

Hooyo markastood rabtid noloshaada inaad wax ka badashid tuku laba rackadood oo sune ah ilaahayna talo saaro, wax kastoo lagu celceliyaa aakhirka waa laga caajisaa salaada mooye ee salaadaada ka adkow waa xadhiga kaliye ilaahay isku kiin haye.
Wax kastoo I kaa xasuusiya waad heli hooyo ilaa aniga mooye ee inoogu duce aakhiro inaynu janada isku aragno intaa markay tiri ayay naftii ka baxday ax xanuun badanaa walidkaa ood caaq ku noqotay isagoo noloshiisii kuu huray maryan way ooyday ilaahayna way u toobad keentay wax barashadeedina way ku noqotay wakhtigu wxu is guraba waxa la gaadhay xiligay dugsigii sare ka baxaysay natiijo fiicana way kaga baxday sheekada maryan wax ogaaday Maxamuud oo ay dhashay islaan ay jaar ahaayeen waxaanu isku dayay inuu ka gacan qabto jamacadii waxa ay gashay jamacadii dhakhtar nimona way qaadatay markay sanadkii dhamaysatay ayay qoladii jamacadana ka heshay deeq wax barasho oo bilaasha wadanka dibadiisana ah waanay tagtay Maryan ducadii hooyadeed ba ku dhan way so laabatay mudo ka dib iyado so dhamaysatay inankii Maxamuudna waxay ku heshiiyeen guur iyo inay reer yagleelaan sunihii Nabigeena suubana NNKH dhamaystiraan.

Waxay leedahay hada maryan laba wiil waana dhakhtarad ka hawl gasha cisbitaalada ku yaala magaalada marna may ilaabin wanaagiii hooyadeed iyo sday ku noqotay hadaba akhriste waalidku waa shay qaaliya waa nimco ilaahay bixiyay Nabigeena suubana NNKH wuxuu yidhi qofka kusoo gaadha labadiisa waalid oo nool jano na ka shaqaysan wuu khasaaray
QALINKA:Eng Hibo Ahmed Ismacil