Masuuliyiinta Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka Oo Ka Warbixiyey Hawl-galo Dab-damis Oo Ay Maanta Ka Fuliyeen Caasimada Iyo Nawaaxigeeda

0
485
Masuuliyiinta Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka Oo Ka Warbixiyey Hawl-galo Dab-damis Oo Ay Maanta Ka Fuliyeen Caasimada Iyo Nawaaxigeeda
 
Hargeysa(Warsugannews)-Masuuliyiinta sare ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka ayaa ka warbixiyey hawl-galo ciidanka dab-damisku maanta ka fuliyeen meelo kala duwan oo katirsan caasimada Hargeysa iyo Degmada Fara-weyne oo dhinaca koonfur galbeed kaga beegan Hargeysa
Ugu Horeyn Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Md. C/qaadir Cumar Xaashi oo Warbaahinta kula hadlaayey barxada horeee Guri dab qabsaday oo kuyaala Degmada Axmed Macalin Haaruun kaas oo ay ciidanka Dab-damisku Bakhtiiyeen
Agaasime Cabdiqaadir oo ugu horeyn ka warbixinaayey Gurigan uu ku sugnaa oo waqtigaas ay gacantaku hayeen Ciidanku badbaadintiisa ayaa waxa uu yidhi”Bismilaahi Raxmaani Raxiim Ilaahay baa mahadle oo nagu guuleeyey gurmadkan degdega ah ee Ciidanka Dab-damiska Qaranku ugu soo gurmadeen Qoyskan masiibada dabka ahi ku haleeshay maanta Xaafada Macalin Haaruun gaar ahaan agagaarka Kawaanka Xoolaha ee Caasimada Hargeysa,Waxaan dhamaan halkan ugu mahadnqayaa Ciidanka Dabdamiska Caasimada oo si baadle uga hawlgalay gurmadkan,Waxaan sidoo kale aan aad ugu mahadnaqayaa Wariye Miyir Cali Xuseen oo isagu ahaa shaqsigii soo wargaliyey Cantrol Officerka Ciidanka markii uu sheeda ka arkay masiibada Qoyskan ku habsatay imikana warba=ixintan iga qabanaaya”
Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Md. C/qaadir Cumar Xaashi oo warbixintiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi”al xamudlilaah ma jirto wax khasaaare nafeed ah oo soo gaadhay qoyskan hasayeeshee waxa uu khaasaare soo gaadhay gurigan oo dadka ehelka ah ee deganaa intiisa badani ay ka maqnaayeen balse uu hal qof ku sugnaa kaasina aanu waxba ka ogayn dabka guriga qabsaday maadaama oo ay tahay waqtiga dadku nastaan ee ay iska yara seexdaan “
Dhinaca kale ayaa Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Md. C/qaadir Cumar Xaashi waxa uu ka warbixiyey hawlagaalo kale oo isla maanta Ciidanka Dab-damiska Qaranku ka fuliyeen goobo ka mida Gobolka Maroodijeex isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”waxa kale oo iyaduna saaka ciidanka Dab-damisku ka hawlgalay meel 40 Km u jirta Caasiamada Hargeysa isla markaasina ka tirsan Degmada Fara-weyne oo uu ku gubtay Gaadhi weyn oo siday shixnad dhul ah oo ciidanka Booliska Somaliland kusoo wargaliyeen Ciidanka Dab-damiska isla markaasina dabku qabsaday 7-dii subaxnimo ee saaka iyadoo ay Ciidanku ku guulaysteen inay damiyaan isla 8dii Subaxnimo ee saakaba iyagoo gurmadka kaga baxay Hargeysa,Waxan marlabaad aad ugu mahadnaqayaa dhamaan geesiyada Ciidanka Dab-damiska Qaranka Somaliland oo ah dhalinyaro naftooda iyo waqtigooda u huraaya dalkooda
Dhinaca kale waxa isna madasha ka hadlay Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Qaranka Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) isagoo isla markaasina ka war bixiyey sababta dhalisay dabka ka kacay gurigan iyo hawl-galada kale ee ay ciidankiisu maanta fuliyeen isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”Sidaad u aragtaanba gurigan dab ayaa qabsaday sida ay noo sheegeen qoyskii lahaa baryahan dabka uu dhaliyey shoodhka korontadu way inagu fara badan yihiin ,Gurigu 12 qol ayuu ka kooban yahay waxa aanu u nimi isaga oo aad u holcaaya aad u gubanaaya waxa aanu kula dagaalanay 5 gaadhi iyo 34 fire man oo kamida Ciidanka ,Dadku marka ay dab arkaan waxaan ka codsanaynaa inay xili hore naga soo garaacaan 990 oo ah numberka Dab-damiska ,waxa aanu khaati ka joognaa inta ay iyagu la dagaalamaan dabka ayey marka uu gurigu bas beelo noo yeedhayaan”
Taliye Sawaaxili oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu yidhi”Saaka horta maanu nasan sidoo kale waxa uu Ciidanku hawlgal ugu baxay dab ka kacay Degmada Fara-weyne oo uu ku gubtay Gaadhi nooca Shampooga loo yaqaan ah oo kaas oo siday shixnad duxul ah isla markaasina saaka todobadii subaxnimo dabku qabsaday iyadoo isla Sideedii Subaxnimo Ciidanku ku guulaystay inay damiyaan Gaadhigan ,Sidoo kale maanta waxa Ciidanku hawlgal ka fuliyeen dab ka kacay Degmada Maxamuud Haybe oo ay saaka isna soo bakkhtiiyeen “