Maurizio Sarri oo u yeertay Maradona kulanka caawa ee Real Madrid

0
510

Tababaraha kooxda Napoli Maurizio Sarri ayaa codsi u diray halyeeygii hore ee kooxda Napoli Diego Maradona si uu niyada ugu dhiso ciyaartoyda kulanka caawa.

Napoli ayaa u martin doonta caawa kooxda Real Madrid oo difaacanaysa koobka horyaalada yurub, xili kooxda reer talyaani ay doonayso inay guul ku soo gaarto Spain.

Maurizio Sarri ayaa u sheegay Maradona inuu soo booqdo kooxda si uu u dhiirogaliyo ciyaartoyda ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta.

Image result for Maurizio Sarri and Maradona

“Aad ayeey u wanaagsanaan lahayd in Maradona uu la hadlo ciyaartoyda ka hor ciyaarta” ayuu yiri tababaraha Napoli ee Maurizio Sarri.

“Arinkaas waa mid nacaawin kara, waxaan u rajaynayaa inuu helo waqti uu kula hadlo ciyaartoyda” ayuu sii raaciyay.

Image result for Maurizio Sarri and Maradona