Maxaa ka jira Guddoomiye Cirro Oo Xaalad Caafimaad Oo La Xidhiidha Ruugi Dhaawucu Ka Soo Gaadhay in Loogu Qaaday Dalka Imraadka.

0
333

Maxaa ka jira Guddoomiye Cirro Oo Xaalad Caafimaad Oo La Xidhiidha Ruugi Dhaawucu Ka Soo Gaadhay in Loogu Qaaday Dalka Imraadka.

Guddoomiye Cirro Oo Xaalad Caafimaad Oo La Xidhiidha Ruugi Dhaawucu Ka Soo Gaadhay Loogu Qaaday Dalka Imraadka.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta u anbabaxay dalka Imaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai.

Safarka Guddoomiyaha ayaa la xidhiidha siday warar xogogaal ah ku heshay Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday.com, daaweyn caafimaad oo Guddoomiye Cirro lagaga soo dabiibaayo dhawicii ka soo gaadhay Ruuga, kaas oo ka dhashay dagaalki dhexmaray Sabtidii Guddoomiye Ku-xigeenkiisa Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa hore qaliin lagaga sameeyay Ruuga, iyadoo wakhtigaas lagu qalay Waddanka Turkiga, waxayna damqasho ku timi Ruugi laga qalay Todobaadki dhawayd kadib markii ay isgacan sareen Baashe Maxamed Faarax, iyadoo Guddoomiye Cirro ku dhuftay Miiska Shir gudoonka.

Guddoomiye Cirro ayaa gabi ahaanba ka maquurtay Saxaafadda marku u safraayay dalka Imaraadka Maanta, mana jirin war ka soo baxay Xisbiga WADANI, hasa yeeshe siday xaqiijinayaan wararka ku dhaw dhaw Guddoomiyaha, waxaa barar badan uu ku yimi Ruuga Dhaawacu ka soo gaadhay taas oo keentay in Guddoomiye Cirro loo qaado dalka debadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here